Finland waxaa laga helay maanta 704 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Jimce 05.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 704 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 60 904 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 8 251 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 82 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 395 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 103 qof, iyo gobolka Päijät-Häme oo 25 qof ah, sidoo kale gobolka Vaasa waxaa laga helay 20 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 209 Aura 1
Vantaa 82 Oripää 3
Espoo 41 Punkalaidun 2
Turku 65 Ylöjärvi 5
Tampere 32 Valkeakoski 2
Järvenpää 8 Kangasala 2
Kerava 8 Orivesi 2
Nurmijärvi 8 Pälkäne 2
Kirkkonummi 5 Oulu 6
Tuusula 4 Raahe 1
Hyvinkää 3 Pyhäjoki 1
Porvoo 5 Vaasa 10
Sipoo 5 Närpiö 4
Lohja 6 Mustasaari 2
Vihti 6 Pietarsaari 3
Kauniainen 2 Maalahti 1
Karkkila 1 Jyväskylä 4
Inkoo 1 Laukaa 2
Salo 6 Äänekoski 2
Kaarina 3 Muurame 1
Raisio 5 Pihtipudas 5
Paimio 1 Lahti 15
Uusikaupunki 4 Hollola 2
Naantali 2 Orimattila 2
Loimaa 1 Heinola 2
Mynämäki 2 Pukkila 1
Kemiönsaari 4 Asikkala 3
Rusko 2 Rauma 11
Pöytyä 2 Pori 5
Eurajoki 1 Seinäjoki 7
Riihimäki 7 Kauhajoki 1
Hämeenlinna 1 Kauhava 1
Janakkala 2 Ilmajoki 1
Hausjärvi 1 Kontiolahti 2
Forssa 1 Rovaniemi 3
Jokioinen 1 Kolari 1
Kuopio 2 Kittilä 6
Rautalampi 7 Lappeenranta 7
Kouvola 1 Parikkala 1
Kotka 1 Maarianhamina 9
Mikkeli 3 Jomala 5
Lemland 1 Sotkamo 3

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 239 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  38 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 767 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 295 qof, kuwaasoo 1 223 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 71-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

 

  • Dowladdu waxay soo bandhigtay Khamiistii 25.2 howlo cusub oo looga hortagaayo koronaha (2. uusia koronatoimia), kuwaasoo loogu talaggalay gobollada ku jira xaaladaha faafista iyo karaarqaadshada ee feyruska.

 

  • 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).

 

  • Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.

 

  • Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollda ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.

 

  • Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunweynaha oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).

 

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 448 680 qof (05.03).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       38 126 150     116 326 468
               866 870          2 583 588

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 29,536,086    68 321    1 993  533 636
2 Hindiya 11,173,572    16 842       113  157 584
3 Baraaziil 10,796,506    74 285    1 786  261 188
4 Ruushka   4,290,135    11 385       475    87 823
5 Ingiriiska   4,201,358      6 573       242  124 025
6 Faransiiska   3,835,595    25 279       293    87 835
7 Isbeyn   3,142,358      6 037       254    70 501
8 Talyaaniga   2,299,199    22 865       339    98 974
9 Turkey   2,746,158    11 322         68    28 839
10 Jarmalka   2,486,306,    11 410        296    72 007
11 Kolombiya   2,266,211      3 565        107    60 189
12 Arjantiin   2,133,963      7 432        191    52 644
13 Meksiko   2,104,987      7 793        857  188 044
14 Poland   1,750,661    15 252        289    44 649
15 Iiraan   1,665,103      8 404         78    60 431
16 Konfur-Afrika   1,517,666      1 404         96    50 462
17 Ukriane   1,364,705    10 057        194    26 591
18 Indonesia   1,361,098     7 264        176    36 897
19 Peru   1,349,847      4 878        217    47 306
20 Czechia   1,284,488    15 223        173    21 235
21 Netherlands   1,105,544      4 144          33    15 730

xigasho: Yle, Hs, Worldometer