Degdeg: Xayiraadihii horay u saarnaa Caasimadda iyo magaalooyinka la ood-wadaagta ah oo sii soconaya tan iyo 10:ka Janaayo 2021

Helsinki 11.12.2020- Kooxda isuduwidda hawlaha Korona ee Caasimadda iyo magaalooyinka ku xeeran ayaa waxay maanta oo ku beeggan 11.12.2020 go’aamiyeen in la sii wado xayiraadihii horay u shaqaynayay saddexdii todobaad ee la soo dhaafay illaa iyo inta laga gaarayo 10.1.2021. Kooxdan oo ka kooban hoggaanka sare ee magaalooyink Helsinki, Espoo Vantaa ayaa waxaa sidoo kale go’aankooda xayiraadda ee Korona la xiriira raacaya magaalada Kauniainen.  Go’aannadii ay horay u soo rogeen oo muddo saddex todobaad ah shaqaynayay hadda la sii wadayo waxaad ka akhrisan kartaa halkan.