Kooxda iskuduwidda arrimaha korona ee caasimadda iyo hareeraheeda oo soo saaray xadaymo cusub

Kooxda iskudduwidda arrimaha korona ee caasimadda iyo hareeraheeda oo soo saaray xadaymo cusub. Sawirka: Mohamed Ibrahim/Suomen Somali Media

Jimce 27.11.2020.  Xadaymaha cusub ee ay soo saareen kooxda iskuduwidda arrimaha korona ee caasimadda iyo hareeraheeda ayaa waxaa ay khuseeyaan magaalooyinka Helsinki, Espoo, Vantaa iyo Kaunianen.

Xadaymahan la sii adkeeyay waxaa ay ugu horraynta shaqeyn doonaan muddo saddex toddobaad ah, lakkiin haddii faafista feyruska ee gobolka ay istaagi weydo, sida ay sheegeen kooxda iskuduwidda arrimaha korona waa la sii wadi doonaa xadaymahaas.

Munaasabadaha guud

Waxaa la joojiyay oo aan la oggolayn mudada saddexdaa toddobaad ah, dhammaan munaasabadaha guud wixii ka badan 10 qof ee Helsinki iyo Gobolka Uusimaa, iyo sidoo kale waaxda caafimaadka ee Päijät-Häme. Go’aanka arrinkaas waxaa bixisay Waaxda maamulgoboleedka koonfruta-Finland.

Munaasabadda ay ugu badnaan 10 qof isugu imaan karaan waxaa lagu oggolaan karaa oo ku xiran shardiga ah, in ammaanka caafimaadka ee goobta uu yahay mid la sugay. Waxaa la soo jeedinayaa in la qabto kullamada lagammamaarmaanka ah oo kaliya. Waxaana tusaale ahaan kullamadaas ka mid ah: Shirarka ururrada ee nidaamka waafaqsan. Kuwaas laftogooda waxaa loo soo jeedinayaa in ay shirarkooda ku qabsadaan dhanka internetka.

Xadymahan waxaa ay dhaqangeli doonaan 30-ka bisha November. Waaxda caafimaadka ee Helsinki iyo hareeraheeda waxaa uu arrinkaan socon doonaa illaa iyo 18.12.2020, Waaxda caafimaadka ee gobolka Päijät-Häme-na waxaa ay xadaymuhu ka socon doonaan illaa iyo 14.12.2020.

Munaasabadaha gaarka ah

Munaasabadaha gaarka ah ama kulamada qoyska dhexdiisa ah, waxaa lagu talinayaa inaan la qaban.

Sidoo kale waxaa kooxda iskuduwidda arrimaha korona ay soo jeedinayaan, in dadka guriga ku wada nool iyo kuwa qaraabada ah ay xadeeyaan kulamada dhexdooda ah.

Munaasabadaha tacsida iyo aaska waxaa la soo jeedinayaa oo kaliya in lagu koobo dadka ehelka ah.

Talosoojeedintaan waxaa ay shaqaynaysaa laga bilaabo Isniinta 30-ka November illaa iyo 20 bisha December.

Howlaha hiwaayadda

Dhammaan hiwaayadaha ka socda garoomada gudaha waa la joojinayaa.

Waxaa intaas dheer oo la joojinayaa howlaha hiwaayadaha lagu qabto garoomada dibadda ee wixii ka weyn 20-sano jir, sidoo kalee ballamadii doorkii ciyaaraha hiwaayadaha ee ay hore uu sii qabsadeenna waa la baajinayaa. Wixii kayar 20-sano jir ee hore u si qabsaday ballamada goobaha hiwaayadaha waa ay u soconeysaa, oo iyaga lagama baajinaayo.

Tartamada caadiga ah, ciyaaraha iyo iyo tartamada horyaalkaba lama qabanqaabin karo.

Kooxda iskuduwidda arrimaha korona waxaa ay sidoo kale ururrada gaarka ah u soo jeedinaysaa in ay ku dhaqmaan xadaymahaan la soo rogay.

Xadaymahan waxaa ay socon doonaan mudada u dhexeysa 30 bisha November illaa axadda 20 bisha December.

Goobaha guud ee lagu kulmo

Dhammaan goobaha guud ee dadku ku kulmaan waa la xirayaa.

Arrinkaan waxaa loola jeedaa goobaha gudaha ee xarumada dukaamada, xarumaha dhaqanka, matxafyada iyo xarumaha dhallinyarada. Sidoo kale howlaha machadka aqoonkororsiga dadka waaweyn waa la joojinayaa.

Si kastaba magaalooyinku iyaga ayaa go’aan ka gaaraya furnaanshaha goobaha bixiya adeegyada lagammamaarmaanka ah, kuwasoo si xadaysan islamarkaana waafaqsan ammaanka caafimaadka loo furi doono.  Waxaa tusaale ahaan goobahaas ka mid ah xafiisyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka, xannaanooyinka. Walina waxaa la sii wadi doonaa howsha ku saabsan afshareerka loo qaybinaayo dadka hantida yar.

Kooxda iskuduwidda arrimaha korona waxaa sidoo kale ay soo jeedinayaan, in dadka iska leh goobaha gaarka ah ay xiraan goobaha kuwaa la midka ah ee isbooritiga iyo kuwa waqtiga firaaqaha ah lagu qaataba.

Maktabadaha waxaa ay bixin doonaan adeegyo xadidan, sida in qofku buugaagta uu hore u sii ballansaday uu ka qaato iskaafallada buugaagtu saaran tahay.

Xadaymahan waxaa ay socon doonaan mudada u dhexeysa 30 bisha November illaa axadda 20 bisha December.

Waxbarashada heerka labaad

Ardeyda waxbarashada heerka labaad waxaa loo wareejiyay dhanka internetka. Sikastaba waxaa waxbarashada iskuulka dhexdiisa ah la siin doonaa ardeyda caawimaadda gaarka ah ee waxbarashada u baahan iyo ardayda naafada xagga garaadka ah.

Waxbarashada dhanka internetka ah waxaa ardeyda loo wareejinayaa 3 bisha December, waxaa an ay u socon doontaa illaa iyo dhammaadka sannadka.

WT: Abdirisak Sugulle

Sawirada & Video-ga: Mohamed Ibrahim