Booliska oo baajiyay dagaal hub la isu adeegsado oo magaalada Helsinkik u dhexmari lahaa kooxha faldambiyeedka dhallinyarada

Sawirka baabuurka booliska: Sawirku lama xiriiro kiiska

Khamiis 14.10.2021.. Booliska magaalada Helsinki ayaa shaaca ka qaaday inuu helay warar la xiriira in dagaal kooxeed la qorsheeyay uu ku dhex mari lahaa qaar ka mid ah dhallinyarada ku nool magaalada Helsinki iyo nawaaxigeeda Jimcihii la soo dhaafay, halka loo yaqaan Kaivohuone ee ku taalla farasmagaalaha Helsinki. Waxaana boolisku ay sheegeen in ay dagaalkaas baajiyeen.

Waxaa kaloo boolisku ay sheegeen in arrinkaas dartiis ay u qabteen illaa tobaneeyo dhallinyaro ah, iyadoo laba kamid ah dhallinyaradaas oo da’dooda lagu qiyaasay 20 sano jir xabsiga loo dhaadhiciyay. Waxyaabaha lagu soo eedeynayo dhallinyaradaa ayaa ah iskuday dagaal aad khatar u ah iyo dhac aad u daran.

Madaxa dambibaarista booliska Helsinki Markku Heinikari ayaa sheegay in tirada illaa iyo imminka la ogyahay ee ka qaybta ah kooxahaas faldambiyeedka dhallinyarada ay gaarayaan ilaa iyo 100 dhalinyaro ah, da’dooduna ay u badan tahay 20 sano jir, inkastoo sarkaalka booliska u hadlay uu sheegay in ay ka qayb yihiin kooxahaas carruur aan wali qaangaarin.

Waxaa kaloo uu sheegay sarkaalku in kooxaha faldambiyeedka ee Helsinki ka jira ay gaarayaan qiyaastii illaa iyo 10 kooxood, waxaana ay boolisku daba socdeen dhaqdhaqaaqooda illaa muddoo aad u dheer, dhammaadkii xaggaaga sannadkaan iyo bilowga deyrta ayaana sida boolsiku sheegay ay xaaladda dhallinyaradu faraha ka baxday.

Boolisku waxaa ay hore u soo gudbiyeen welwelka la xiriira in dhallinyardu ay ku hubaysan yihiin toorreey, mindiyo iyo baangadaba, laakiin haatan sida boolsiku sheegay xaalku waxaa uu marayaa in ay dhallinyaradu ay haystaan hubka wax lagu toogto, islamarkaana ay isu adeegsanayaan.

Xilligaan dayrta ee sannadkaan 2021 sida boolisku uu sheegay waxaa caasimadda iyo agagaarkeeda ka dhacay dhowr xaaladood oo toogasho ah, kuwaasoo khatar geliyay xitaa dadka caadiga ah ee goobahaas ka agdhawaa ee aan iyagu dagaalkaan wax shaqo ah ku lahayn.

Booliska ayaa haatan si aad ah uga dayrinaya xaaladda waddooyinka waawayn ee magaalada, oo ay ku tilmaameen in si xawli ah uu arrinku isugu bddelay mid aad halis u ah.

Boolisku ma aanay sheegin dhalashada ama jinsiyada ay ka soo jeedaan dhallinyaradaas dagaalku dhexmari lahaa iyo kuwa la xiray toonna, hase yeeshee waxaa ay boolisku caddeeyeen in dhallinyaradaas badankoodu ay yihiin kuwa ka soo jeeda dadka ajaanibta ah ee waddanka u soo guuray, inkastoo sida boolisku sheegay ay ku jiraan dhallinyaro u dhalatay asal ahaan dalkaan Finland.

Sidoo kale waxaa boolisku ay sheegeen waxyaabaha la isku dagaalaayo in ay sabab u tahay sida lagu yaqaan kooxaha faldambiyeedka ee dhallinyarada ah, arrimo la xiriiro ka ganacsiga maandooriyaha, jirdil, dhac loo gaysto dukaamada iyo dadka xiran dharka iyo alaabaha qaaliga ah.

Soomaalida oo ka qayb ah dadka ajaanibta ah ee waddankan u soo guuray ayaa waxaa wararku ay tilmaamayaan in dhalinyaradoodu ay ka mid yihiin kuwa ugu badan ee xubnaha ka ah kooxahaas faldambiyeedka, arrinkaasna waa mid welwel haatan ku haya bulsho weynta soomaalida  ah ee ku nool Finland. Waxaana jira dadaallo ay haatan wadaan dad kala duwan oo dhallinyaro iyo waalidiin isugu jira oo iyagu si iskood ah isu xilqaamay, iskuna dayaaya sidii ay hawlahaan soo kordhay wax uga qaban lahaayeen.

Xigasho: YLE