Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 461 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo hal qof oo u dhintay feyruska awgiis

 Jimce 20.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 461 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 20 747 qof.

Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 67 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 229 xaaladood oo cusub, Waaxda caafimaadka ee Pirkanmaa 67 qof, waaxda caafimaadka ee Päijät-Hame 34 qof.  Magaalooyinka sidan soo socta ayaa looga kala helay feyruska Helsinki: 102 qof, Tampere: 52 qof, Espoo: 51 qof, Vantaa: 44 qof, Lähti: 27 qof, Jyväskylä: 21 qof, Oulu: 10 qof, Turku: 12 qof, Alajärvi: 8 qof, Riihimäki: 7 qof, Vaasa 7 qof, Lempäälä: 5 qof, Gobolka Satakunta: 5 qof

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 104 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 10 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Waxaa arbacadii kaddib ku soo kordhay tirada daryeelka isbitaalka u baahan 14 qof. Sida ay maanta sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa feyruska awgiis u dhintay 1 qof oo hor leh, taasoo wadarta guud ee tirada dhimashada ka dhigeysa 375 qof. Tirada dadka dhintay ee ka tirsan waaxda caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa waa 294 qof. Dadka dhintay 153 qof oo ka mid ah waxaa ay da’doodu u dhexeysay 80-89 sano jir.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

15 706 243 56 985 235
 

Tirada u dhimatay feyruska

358 093 1 360 880

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 12    milyan   192 186    2 065 258 333
2 Hindiya   9     milyan     46 182       584 132 202
3 Baraaziil 5,98   milyan     35 686       644 168 141
4 Faransiiska 2,08   milyan     21 150       429   47 127
5 Ruushka 2,01   milyan     23 610       463   34 850
6 Spain 1,57   milyan     16 223       252   42 291
7 Ingiriiska 1,45   milyan     22 915       501   53 775
8 Arjantiin 1,38   milyan     10 097       185   36 532
9 Talyaaniga 1,27   milyan     36 176       653   47 870
10 Kolombiya 1,22   milyan       7 487                   198   34 761
10 Mexico 1,01   milyan       3 918      502   99 528
Xigasho : YLE, HS, Worldmeter