Finland waxaa laga helay maanta 419 xaaladood oo feyruska korona ah

Sabti 23.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 419 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 42 334 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 60 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 209 qof, gobolka Varsinais-suomi  oo laga helay 67 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 29 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 27 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 84 qof, Vantaa: 66 qof, Turku: 43 qof, Espoo: 28 qof, Tampere: 22 qof,  Kuopio: 12 qof, Kouvola: 11 qof, Jyväskylä: 9 qof, Raiso: 5 qof, Porvoo: 5 qof, Vaasa: 5 qof, Kerava: 5 qof, Magaalooyinka kala ah: Kaarina, Uusikaupunki, Vihti, Lappeenranta, Lahti, Siilinjärvi, iyo Rauma oo laga helay min 4 qof,  sidoo kale magaalooyinka kala ah: Lieto, Nurmijärvi, Joensuu, Laitila, Tuusula, Karkkila, Vöyri,  iyo Hattula oo laga helay min  3 qof, Sidoo kale magaalooyinka kala ah: Hausjärvi, Rovaniemi, Heinola, Kolari, Lappäjärvi, Kotka, Maalahti, Lohja, Nokia, Naantali, Valkeakoski, Hyvinkää, Pori, Liminka,  iyo Salo oo min 2 qof laga helay, magaalooyinka kala ah: Ylöjärvi, Kangasala, Imatra, Sipoo, Järvenpää, Kannus, Masku, Riihimäki, Akaa, Tornio, Loviisa, Askola, Ilomantsi, Uusikaarlepyy, Kajaani, iyo Kemi oo min 1 qof laga helay.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 136 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 24 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 644 qof.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta,Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 31 763 384    98 841 727
       692 516       2 118 556

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 25,3 milyan  192 065     3 886  424 177
2 Hindiya 10,6 milyan    14 344        154  153 221
3 Baraaziil 8,75 milyan    55 319     1 071  215 229
4 Ruushka 3,67 milyan    21 513        580    68 412
5 Ingiriiska 3,58 milyan    40 261     1 401    95 981
6 Faransiiska 3,01 milyan    23 292        429    72 647
7 Isbeyn 2,60 milyan    42 885        400    55 441
8 Talyaaniga 2,44 milyan    13 633        472    84 764
9 Turkey 2,41 milyan      5 697        149    24 789
10 Jarmalka 2,15 milyan    16 366        869    52 020
11 Kolombiya 1,98 milyan    15 073        399    50 586
12 Arjantiin 1,85 milyan    10 753        220    46 575
13 Meksiko 1,71 milyan    22 339     1 803  146 174
14 Poland 1,46 milyan      6 749        345    34 907
15 K/afrika 1,39 milyan    11 761        575    40 076
16 Iiraan 1,36 milyan      6 278          75    57 225
17 Ukriane 1,18 milyan      5 348        163    21 662
18 Peru 1,08 milyan      5 189        153    39  427

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS