Finland waxaa laga helay maanta 477 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaco 22.9.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 477 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 138 000 qof.

Meelaha ugu badan ee feyruska korona waa gobolka Uusimaa ee caasimadda Helsinki iyo nawaaxigeeda oo laga helay 174 qof, gobolka labaad ee laga helay tirada ugu badan waa gobolka Varsinais-Suomi 53.

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1 062 qof.

 Isbitaalka waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis ugu jira tiro gaaraysa 109 bukaan, kuwaasoo 16 qof kabadan tiradii ugu dambeysay ee la soo sheegay. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 20 bukaan ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaalka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 73,3%qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 58,6 oo qof (22.9.).

Xigasho:YLE