Finland oo lagu xusay Maalinta Ragga ee Caalamiga ah iyo maalinta ragga ee Afrika- waxaana la abaalmariyay 10:ka nin ee Afrikaanka Finland ugu saameynta badan

Photo-Diaspora Glitz Magazine

Waxaa magaalada Vantaa ee Koonfurta dalka Finland lagu qabtay 19.11.2022 xuska Maalinta Ragga ee Caalamiga ah, taas oo ay barbar-socotay maalinta ragga ee Afrika.

Madal aad loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahanno, fannaaniin iyo ciyaartooy oo lagu xusayay maalinta Ragga Caalamiga ah ayaa waxaa lagu abaalmariyay islamarkaas lagu sharfay 10:ka nin ee Afrikaanka ah ee loo aqoonsaday kuwa ugu saameynta badan sannadkan dalka Finland.

10:ka nin ee loo aqoonsaday, in ay ugu saameynta badan yihiin ragga Afrikaanka ah ee Finland deggan ayaa waxaa ku jira labo nin oo Soomaali ah.

MP Suldaan Said Ahmed Photo- Diaspora Glitz Magazine

Ergeyga Gaarka ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika, MP Suldaan Said Ahmed oo ka tirsan Baarlamaanka Finland islamarkaasna lagu naanayso Libaaxa Madow ayaa kamid ah ragga loo aqoonsaday in ay sannadkan ugu saameyn badnaayeen ragga Afrikaanka ah ee Finland ku nool.

MP suldaan ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu horseed u yahay dhallinyarada ku jirta siyaasadda Finland. Waxaa kale oo Suldaan lagu ammaanay ka sokow saameyntiisa siyaasadeed ee tusaalaha wanaagsan ah, in uu sare u qaaday xiriirka Finland ay la leedahay dalal badan oo Afrikaan ah, gaar ahaan dalalka dhaca Geeska Afrika.

Agaasime Abdirihin Husu Hussein
Photo- Diaspora Glitz Magazine

Suxufi, siyaasi iyo madaxa Urur weynaha Moniheli Abdirihin Husu Hussein oo kamid ah 10:ka nin ee sannadkan ugu saameynta badnaa Afrikaanka Finland ku nool ayaa hoggaamiya Ururka Moniheli oo ah urur ay ku mideysan yihiin ku dhowaad 120 urur oo ka shaqeeya guud ahaan dalka Finland.

Abdirihin Husu Hussein ayaa kolkii la abaalmarinayay lagu sheegay in uu yahay nin dhallinyaro ah oo u dooda guud ahaan dadka asalkoodu Ajnabiga yahay ee Finland ku dhaqan.

Husu ayaa lagu xusuustaa sida adag ee uu goobaha lagu doodu ugu difaaci jiray dadka soo-galootiga ah ama ka soo jeedo asal soo-galooti.

Madashan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Diaspora Reporters ry iyo Jariidadda Diaspora Glitz Magazine.

Top10- Photo- Diaspora Glitz Magazine

Soomaalida ku dhaqan Finland ayaa si weyn uga dhexmuuqata bulshada Finland waxaana jaaliyadda Soomaalida laga helaa aqoonyahanno, ganasato, siyaasiyiin, xirfadlayaal kala gedisan iyo qaar kale oo badan.

SSMV