Finland waxaa laga helay maanta 863 xaaladood oo feyruska korona ah

Axad 14.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 863 qof oo hor leh dalkaan Finland. Waa tiradii ugu badnayd ee labaad ee hal maalin oo kaliya laga helo Finland, tan iyo intii uu cudurka safmarka ah ka bilowday dalkaan. Tirada ugu badan ee illaa iyo hadda hal maalin la helay waxaa ay ahayd 1.3 oo laga helay 868 qof. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 66 869 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 1 844 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 95 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 442 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 105, gobolka Päijät-Häme oo laga helay 75 qof, gobolka Kanta-Häme oo laga helay 66 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 48 qof.  Sidoo kale gobollada kala ah Vaasa iyo Keski-Suomi oo laga helay min 32 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan laga helay waxaa ka mid ah:

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 251 Salo 5
Espoo 77 Tuusula 5
Turku 73 Yläjärvi 5
Vantaa 70 Kouvola 5
Lahti 47 Forssa 5
Hämeenlinna 37 Mäntsälä 5
Tampere 34 Äänekoski 5
Vaasa 22 Orimattila 5
Lappeenranta 11 Raisio 4
Riihimäki 11 Lieto 4
Jyväskylä 11 Hausjärvi 4
Kuopio 9 Hyvinkää 4
Heinola 8 Hankasalmi 3
Kaarina 8 Petäjävesi 3
Hollola 7 Mikkeli 3
Närpiö 7 Asikkala 3
Laukaa 6 Kangasala 3
Oulu 6 Kuusamo 3
Lohja 6 Kauniainen 3
Lohja 5 Pukkila 3
Janakkala 5 Raasepori 2
Porvoo 5 Pöytyä 2
Kirkkonummi 5 Sipoo 2
Valkeakoski 2 Taipalsaari 2
Raahe 2 Hattula 2
Eura 2 Kärkölä 2
Kittilä 2 Kerava 2
Uurainen 2 Tammela 2
Inkoo 2 Hamina 2
Askola 2 Savitaipale 1

 

Inta kale ee soo hartay ee magaalooyinka  waxaa laga helay min 1 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 264 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  47 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 786 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah. Labatdoodbaad gudahood waxaa dalkaan Finland xanuunka feyruska korona awgiis ugu geeriyooday 43 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 736 qof, kuwaasoo 1 633 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 102-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 596 638 oo qof (14.03)

  • 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).
  • Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.
  • Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollada ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.
  • Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunka oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       39 716 212     120 163 118
               894 885          2 661 508

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 30,043,662    48 808    1 037  546 605
2 Baraaziil 11,439,250    70 934    1 940  277 216
3 Hindiya 11, 358,644    25 153       159  158 642
4 Ruushka   4,380,525      9 908       475    91 695
5 Ingiriiska   4,253,820      5 534       121  125 464
6 Faransiiska   4,045,319    29 759       169    90 315
7 Talyaaniga   3,201,838     26 062       317  101 881
8 Isbeyn   3,183,704             72 258
9 Turkey   2,866,012    15 082         65    29 421
10 Jarmalka   2,569,850    10 554        117    73 907
11 Kolombiya   2,299,082      4 465          96    61 046
12 Arjantiin   2,192,025      6 278         68    53 646
13 Meksiko   2,157,771      6 743        709  193 851
14 Poland   1,889,373    21 062        343    47 068
15 Iiraan   1,739,360      7 802          73    61 142
16 Konfur-Afrika   1,528,414      1 541          82    51 261
17 Ukraine   1,451,744      9 048        243    28 158
18 Indonesia   1,414,741      4 607        100    38 329
19 Peru   1,407,963      5 353        177    48 841
20 Czechia   1,392,164    14 946        172    23 146
21 Netherlands   1,151,218      6 396          22    16 046

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS