Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 227 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Talaada 06.10.2020 laga helay feyruska korona 227 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 10 929 qof.

Afar iyo tobankii maalmood ee la soo dhaafay waxaa dadka cusub ee laga helay feyruska ay tiradoodu gaareysaa in ka badan 876 xaaladood ee labadii toddobaad ee ka soo horreeyay.

Vaasa oo xaaladda faafista feyruska korona ay ka soo dareyso

Xaaladda faafista feyruska korona ee Vaasa iyo nawaaxigeeda ayaa ka soo dareysay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana maanta la xaqiijiyay 70 xaaladood oo cusub oo faafista feyruska korona ah, waxaa sidaa boggooda internetka ku sheegay Waaxda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee Vaasa. Tirada guud ee illaa iyo haatan laga helay feyruska ee Vaasa waxaa ay mareysaa 292 xaaladood oo faafista feyruska korona ah, taasoo ah tiro aad u badan marka loo barardhigo tirada dadka halkaas ku nool.

Maamulka magaalada Vaasa ayaa soo saaray warbixin ay ku sheegeen in dad qabay xanuunka feyruska korona ay si aad u weyn u dhex socdeen magaalada. Waxaana maamulku ay sheegeen in dadkaas feyruska qabay ay dano-dhamaysi u tageen goobaha ay ka midka yihiin Naadiga wasa Sport 28,29 iyo 30.9 intii u dhexeysay 18.19.30 fiidnimo, sidoo kale maqaaxida Cotton Club 30.9 saacadda 12-12.30, iyo hoolka wax akhriska ee jaamacadda Vaasa 28., 29 iyo 30.9 intii u dhexeysay saacadaha 8-17 galabnimo.

Dhakhtarka qaabilsan ka hortagga cudurrada faafa ee Waaxda caafimaadka Vaasa Heikki Kaukoranta ayaa sheegay, in dadkii waqtiyadaas la soo tilmaamay joogay goobahaas laga codsanaayo in ay la soo xiriiraan xarumaha caafimaadka si loogu diyaariyo ka qaadista saamiga lagu baarayo feyruska korona, haddii toddobaadkaan gudihiisa ay isku arkaan qaar ka mid ah astaamaha feyruska sida adkaanta neefsashada, qufac, hargab, qandho ama xummad, dhuun- xanuun iyo urta ama dhadhanka oo qofka ka taga.

Dhinaca kale isla wararkii feyruska korona iyo magaalada Vaasa ayaan ku jirnaaye, mid ka mid ah ciyaartooyda kooxda kubadda cagta ee Vaasa ayaa laga helay feyruska korona, taasoo keentay in kooxda oo dhan la geliyay karantiil 14 maalmood ah.

Ciyraatii dhexmari lahayd kooxaha heerka koowaad ee kooxda Vaasa ee VPS iyo kooxda KTP ayaa la baajiyay.

Waaxana maamulka magaaladu ay soo rogeen xadayn iyo talosoojeedin cusub oo ku wajahan dadka deggan Vaasa iyo nawaaxigeeda, waxaana ka mid ah:

  • Waxaa la diiday shirarka iyo isuimaatinka munaasabadaha guud wixii ka badan 50 qof illaa iyo laga gaarayo 25.10
  • Howlaha isboortiga ee kooxaha waxaa la soo jeediyay in la hakiyo illaa iyo 25.10
  • Sidoo kale waxaa si xoog leh loo soo jeediyay in aanay dadku isugu imaan karin gudaha iyo dibaddaba wax ka badan 20 qof
  • Hawlwadeennada caafimaadku waxaa ay taloahaan ku soo jeedinayaan, in wixii ka weyn 15 sano jir ee raacaya gaadiidka dadweynaha ay qaataan afshareerka. Arrinkaasuna waxaa uu socon doonaa illaa iyo muddo aan la cayimin
  • Sidoo kale afshareerka waa in la qataa marka la joogo goobaha guud ee la isugu yimaado ee guriga ka baxsan. Sidoo kale waa in la isu jirsadaa masaafada ah 1-2 mitir.

Madaxda dowladda oo ka hadashay xaaladda khatarta ah ee faafista feyruska korona ee dalkaan Finland

Ra’iisul wasaaraha dalkaan Finland Sanna Marin ayaa sheegtay in wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ay diyaarineyso qorshe ay u soo gudbin doonto dowladda toddobaadka soo socda, kaasoo lagu doonaayo sidii looga hortagi lahaa faafista cudurkaan safmarka ah ee feyruska korona.

Sanna Marin ayaa barteeda tiwirteeda soo dhigtay hadalka ah ” waxaa hinidisayaashaas la keeni doonaa miiska wadahadalka ee dowladda toddobaadka soo socda”. Waxaana ay Ra’iisul wasaaruhu sheegtay in xaaladda Korona ee dalka Finland ay ka soo dareyso.

Waxyaabaha laga yaabo in ay wasaaradu horkeento golaha dowladda ayaa ka mid ah xadaynta la xiriirta xilliyada ay baararku furnaan doonaan ama ay khamriga iibin karaan, iyo sidii loo sii adkeyn lahaa. Sidoo kale waxaa laga hadli doonaa arrimo la xiriira dadka safarka ku imaanaya Finland iyo karantiilka.

Wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in mudada lagu jiro xaaladda kacsanaanta ah ee feyruska korona, in baararka khamriga iibiya ay joojiyaan iibinta khamriga saacadda 22.00, iyo in albaabada loo laabo baararka saacadda 23.00. Sidoo kale in goobaha macaamiisha ay fariistaan ee baararka la isticmaalo qeyb ka mid ah oo kaliya.

Waxaana wasaaraddu ay waddaa qorshe ay ku dooneyso in nidaamkaas uu dhaqangalo toddobaadkaan gudihiisa, halkii uu awal qorshu ka ahaa in la dhaqangeliyo toddobaadka soo socda.

Wasiirka arrimaha qoyska iyo adeegyada asaasiga ah Krista Kiuru ayaa iyaduna sheegtay, in dowladdu ay taageero iyo dhiiriggelinba la garab istaagi doonto tilaabooyinka ay maamul goboleedyada dalku ku adkeynayaan wax ka qabashada cudurkaan safmarka ah ee feyruska korona.

Waxaa wasiiraddu ay sheegtay in dowladdu ay wali kawada hadli doonto arrimaha la xiriira xayiraadda dhanka safarrada, iyo wixii laga yeeli lahaa nidaamka loo hirgelinaayo arrinkaas.

Wasiirka qoyska iyo adegyada asaasiga ah oo maanta warfidiyeennada kula hadlaysay xarunta baarlamaanka ayaa waxaa kaloo ay sheegtay, in maamul goboleedyada dalka ay la gudboon tahay haatan in ay qaadaan tallaabooyin muhiim ah oo wax ka taraysa xakamaynta iyo joojinta cudurkan safmarka ah ee xaaladdiisu ay ka soo dareyso.

Jyvaskyla

Guriga adeegga dadka waayeelka ah ee magaalada Jyväskylä ayaa waxaa la geliyay karantiil. Waxaana xaaladdas faafista feyruka ay la xiriirtaa guriga adeegga dadka waaweyn ee Kyllikinhoiva, halkaasoo ay ku sugan yihiin 26 qof oo macaamiisha ah iyo 30 shaqaale ah. Waxaana karantiilka la geliyay illaa iyo 15 ka bishan Oktoobar. Ehellada dadka guriga ku noolna waa la xiriiray, waxaana loo sheegay xaaladdan cusub ee taagan.

Ku dhowaad kala bar kalaalisooyinka caafimaadka oo la sheegay in ay ka baqayaan khatarta caafimaad ee uu keeno feyruska korona

Xograadin cusub oo dhowaan la sameeyay ayaa tilmaameysa, in 42% dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka ay ka cabsi qabaan khatarta caafimaad ee uu sababo feyruska korona. Warbixintaan  ayaa ahyed natiijadii ka soo baxday baaritaan xograadin ah oo ay samaysay xarunta Aula Research, oo ay ku wareysteen 2 750 qof oo ka shaqeeyya daryeelka gaarka ah ee caafimaadka.

Arrinkaan cabsida ah ayaa la yaab ku noqday maamulka ururka ka shaqeeya danaha daryeelayaasha caafimaadka ee Tehy, waayo dadka ka shaqeeya howlaha daryeelka waxaa loo tababaray sidii ay u waajihi lahaayeen xaaladaha khatarta ah.

Inta badan daryeelayaasha ka qaybgalay xograadintaas ayaa sheegay in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee soo waajahay ay yihiin, xanuunkan feyruska ah ee aan hore loo aqoonin iyo goobtii shaqada ama shaqadii laftigeeda oo isbeddesha. Waxaana afartii qof ee kastaa saddex ka mid ah ay sheegeen in ay heysato culeys xagga nafsad ahaanta ah, degdeg dhanka shaqada ah iyo taageero la’aan.

Gobolka Kanta-Häme oo la soo jeediyay talooyin cusub oo looga hortagaayo faafista feyruska

Kooxda qaabilsan arrimaha cudurrada safmarka ah ee gobolka Kanta-Häme ayaa soo jeediyay in dhammaanba dadka shaqaalaha ee ay suurtaggalka u tahay in ay shaqada ka wadaan dhanka internetka ee guriga, oo aanay goobaha shaqada tagin. Waxaana talosoojeedntaan ay socon doontaa illaa iyo bilowga bisha soo socota.

Goobaha shaqada ee aan howlaha laga wadi karin dhanka internetkana, waxaa shaqaalaha la farayaa in ay qaataan afshareerka ama fool-saabka oo ah qalabka caagga ka sameysan ee wajiga lagu saabo, kaasoo ka ilaalinaya faafista feyruska inta shaqada lagu guda jiro. Sidoo kale in la isticmaalo masaafada 1-2 mitir, gaar ahaan marka aan afshareerka ama fool saabka midkoodna aan la isticmaaleyn.

Sidoo kale ardeyda dugsiyada sare, macaahidda iyo jaamacadaha ayaa loo soo jeediyay in ugu yaraan labada toddobaad ee so socda ay waxbarashada dhanka internetka ka dhigtaan.

Arrimaha la xiriira xadeynta isu imaatinka iyo waqtiyada furnaanshaha ee maqaaxiyaha, waxaa looga hadli doonaa shir ay gudigu isugu imaan doonaa khamiista so socota.

Gobolka Kanta-Häme waxaa toddobaad gudihiis laga helay 31 xaaladood oo cusub oo faafista feyruska koronaha ah. Qaar ka mid ah dadka u nuglaaday feyruskana waxaa adkaaday in raadraac ama dabaggal lagu sameeyo. Tirada guud ahaaneed ee illaa deyrtaan laga helay feyruska ee gobolka Kanta-Häme waa 83 qof.

Howlihii ka socday gaoonka diyaaradaha Helsinki- Vantaa oo feyruska korona uu wiiqay.

Shirkadda maamusha howlaha ka socda gegida dayuuradaha Helsnki-Vantaa ee dalkaan Finland ee la yiraahdo Finavia ayaa shaaca ka qaadday, in ay dhimeyso howlihii adeegyada ahaa ee ka socday garoonka diyaarada dhibaatada feyruska korona awgiis. Waxaana shirkaddu ay sheegtay in duulimaadyadii diyaaradaha ay feyruksa korona awgiis aad hoos ugu dhaceen, tusaale ahaana habeenkii aanay wax diyaarad ah ka soo degin garoonka. Waxaana la xiray goobihii baaritaanka ammaanka iyo qaybtii adeegga boorsooyinka.

Xaaladdaan aan caadiga aheyn waxaa ay ka bilaaban doontaa garoonka 25 ka bisha oktoobar, waxaana ay socon doontaa illaa iyo dhammaadka bisha Maarso ee sannadka soo socda. Isla nidaamkaas oo kale waxaa ay shirkaddu isticmaashay xilligii gu’ugii la soo dhaafay ee uu bilwoday xanuunka safmarka ah ee feyruska korona.

Adeegyada diyaaradaha baxaya waxaa la xirayaa habeenninada inta u dhexeysa 00.00-07.00. Adeegyada diyaaradaha imaanayana waxaa la xirayaa 00.00-05.00 ama 06.00 iyadoo ay ku xiran tahay hadba maalinka ay tahay.

Si kastaba garoonka xitaa habeenkii waa uu furan yahay.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

Warbixin ay soo saartay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday in tirada guud ee adduunka oo dhan ee uu ku dhacay feyruska korona ay kor u dhaaftay 35.4 milyan oo qof. Tirada dadka ka bogsaday feyruska ayaa iyana gaaraysa 24.7 milyan oo qof. Halka tirada u dhimatayna caalamka oo dhan ay ka tahay in ka badan Hal miyan iyo 43 kun oo qof.

Dowladda Maraykanka ayaa ugu horeysa caalamka tirada ugu badan ee uu ku dhacay feyruska, waxaan ku xiga Hindiya, kaddib Baraaziil, Ruushka iyo Kolombiya. Sidoo kale Dowladda maraykanku waxaa ay koobka u siddaa tirada dhimashada feyruska korona, waxaana ku xiga Baraaziil, Hindiya, Meksiko iyo Ingiriiska.

Wargeyska Newyork Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo soo xiganaya ilo aan la magacaabin ayaa isna shaaca ka qaaday, in mas’uuliyiin caan ah oo ka tirsan aqalka cad ee Maraykanka ay carqaladaynayaan soo saarista talooyin aad u adag oo dhanka federaalka ah oo ku saabsan waafiqidda degdegga ah ee tallaalka looga hortagaayo feyruska korona, carqaladahaasoo sugaaya in aan la soo saarin wax tallaal ah kahor doorashooyinka madaxweynanimada ee 3 bisha Novemver ka dhici doonta dalkaas Maraykanka. Waxaana ay jariidadu sheegtay in arrinka ugu weyn la isku hayaa ay tahay, talosoojeedintii heerka federaal ahayd,  ee in dadka naftood-hurayaasha ah ee oggolaaday in lagu tijaabiyo tallaalka, xaaladooda lala socdo muddo laba bilood ah kahor inta aan la bixin oggolaanshaha rasmiga ah ee tallaalkaas.

Dhinaca kake hay’adda la daggaallanka iyo ka hortagga cudurrada faafa ee Maraykanka ayaa sheegtay in tirada rasmiga ah ee uu ku dhacay feyruska korona ee dalka Maraykanka ay haatan gaareyso 7 milyan 396 kun oo qof. Halka tirada dhimashaduna ay kor uga kacday in ka badan 209 kun oo qof, kaddib markii afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay uu feyrusku galaaftay nolosha dad tiradoodu gaarayso 378  qof.

Feyruska oo ku faafa dhanka Hawada

Warbixinno ay soo saareen xarumaha la dagallaanka iyo kahortagga cudurrada faafa ee Maraykanka ayay ku sheegeen in si rasmi ah loo xaqiijiyay, in feyruska korna ee soo cusboonaaday ay suurataggal tahay in hawada lagu kala qaado, arrinkaan oo noqonaaya mawqif ama aragti waafaqaysa, fikrado ay culimo badan oo dhanka caafimaadka ah soo jeedinayeen muddo dhowr bilood ah oo ahayd in suurtaggalnimada arrinkaas si dhab ah loo qaato.

Waxayna khubarada maraakistaas sheegeen in qaabka ugu weyn ee cudurku ku faafo ay tahay hawada la neefsanaayo ee ka imaanaysa waxyaabaha ka soo baxaya qofka feyruska qaba marka uu hindhiso, qufaco, heeso, uu hadlo ama uu neefsadaba.

Hindiya

Dalka Hindiya warbixinno ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga diiwaangeliyay dalkaasi 61 kun 267 xaaladood oo cusub oo faafista feyruska korona ah, waxaana taasi ay tirada guud ee feyrusku ku dhacay ka dhigeysaa qiyaastii 6.7 milyan oo qof. Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in tirada u dhimatay feyruska afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ay gaareyso 884 qof, taasoo tirada guud ka dhigeysa 103 kun 569 qof.

Ingiriiska

Dowladda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay dalka gudihiisa laga helay tiro gaareysa 14 542 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, taasoo si aad ah uga badan tiradii laga helay Isniintii oo aheyd 12 594 qof.

Illaa iyo bilowgii bishan September tirada dadka laga helaayo feyruska ee dalkaas ingiriska ayaa si aad ah u soo kordheysay.

Sidoo kale warbixintu waxaa ay tilmaameysaa in tirada dadka ku jira isbitaallada ay aad u sii kordheyso. Waxaana haatan feyruska koronaha awgiis daryeel isbitaal ugu jira dalka Ingiriiska tiro gaareysa 2 593 qof.

Tirada guud ee dalka Ingiriiska laga helay feyruska ayaa gaareysa 530 000 oo qof, halka tirada dhimashada ee guudna ay tahay 42 000 oo qof.

 

Xigasho: YLE, HS, MTV3, ALJAZEERA