Finland waxaa laga helay maanta 400 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 3 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Arbaca 10.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 400 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 48 807 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 71 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 302 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 32 qof, iyo gobollada Pirkanmaa iyo Keski-Suomi oo min 9 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 126 qof, Vantaa: 72 qof , Espoo: 47 qof, Järvenpää: 18 qof, Turku: 17 qof, Tuusula: 9 qof, Jyväskylä: 8 qof, Karvia: 8 qof, Kerava: 6 qof, Porvoo: 6 qof, Tampere: 5 qof, magaalooyinka kala ah Oulu, Nurmijärvi, Lahti iyo Lohja: oo min 4 qof ah. Magaalooyinka kala ah Paimio, Mäntsälä, Salo, Uusikaupunki, Ylivieska, Siilinjärvi, Lempäälä, Rauma iyo Kouvola oo min 3 qof laga helay. Magaalooyinka kala ah Rovaniemi, Tornio, Vieremä, Lappeenranta, Mikkeli, Sauvo, Hämeenlinna, Karkkila iyo Loimaa oo min 2 qof laga helay. Inta kale ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 116 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 15 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 706 qof, kaddib markii ay hay’adda THL shaaca ka qaadday maanta dhimashada 3 qof oo hor leh.

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 178 005 qof (10.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

      34 854 295     107 496 322
           784 040          2 353 297

 

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 27,799,946    95 542   3 265  479 542
2 Hindiya 10,858,300    10 510        85  155 280
3 Baraaziil   9,602,034    51 733    1 340  233 588
4 Ruushka   3,998,216    15 019       530    77 598
5 Ingiriiska   3,972,148    12 364    1 052  113 850
6 Faransiiska   3,360,235    18 870       508    80 147
7 Isbeyn   3,005,487    16 402       766    63 061
8 Talyaaniga   2,655,319    10 630       422    92 002
9 Turkey   2,548,195      8 636         98    26 998
10 Jarmalka   2,302,051      5 725        674    63 271
11 Kolombiya   2,166,904      5 442        217    56 507
12 Arjantiin   1,993,295      7 794        168    49 566
13 Meksiko   1,936,013      3 868        531  166 731
14 Poland   1,556,715      4 059        228    39 361
15 Iiraan   1,481,396      7 640          89    58 625
16 Konfur-Afrika   1,479,253      1 742        396    46 869
17 Ukriane   1,249,646      2 656        127    23 771
18 Peru   1,196,778      5 557        159    42 626
19 Indonesia   1,174,779      8 700        213    31 976
20 Czechia   1,045,250      7 763        122    17 578
21 Netherlands   1,009,725      1 744           83    14 511

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS