Wararka caalamka ee maanta iyo feyruska korona

Finland waxaa laga helay 164 qof oo cusub oo qaba feyruska korona, iyo hal qof oo u dhintay

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Isniin 05.10.2020 laga helay feyruska korona 164  qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 10 702 qof.

Afar iyo tobankii maalmood ee la soo dhaafay waxaa dadka cusub ee laga helay feyruska ay tiradoodu gaareysaa in ka badan 937 xaaladood ee labadii toddobaad ee ka soo horreeyay.

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga hal qof ayaa u dhintay feyruska korona, waxaana tirada dhimashada ee guud ay haatan maraysaa 346 qof.

Waxaa haatan daryeelka isibitaalka ku jira 28 qof oo laga helay feyruska korona.

Xaaladda soo ifbixitaanka feyruska korona ee dalkan Finland ayaa  haatan mareysa 27,2 qof boqolkii kun ee qof ee kasta.

Waxaana sidaas uu dalkaan Finland ku galay liiska dalalka xaaladdoodu khatarta tahay ee cassaanka ama guduudka ah, ee tusaalaha samaafaraha gaadiidka ee ay iyadu samaysay, kaasoo lagu kala tilmaamayay xaaladda faafista feyruska ee dalalka caalamka.

Vaasa oo xaaladda faafista feyruska korona ay gaartay marxaladdii aheyd faafista aadka u ballaaran

Waaxada caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee Vaasa ayaa gashay marxaladdii ahayd faafista aadka u ballaaran, waxaana maanta tirada faafista cudurku ay mareysaa 220 qof. Axaddii waxaa ay tiradaasu aheyd 159 qof.

Meelaha faafista ugu badan ee cudurku ay ka dhacday waa Vaasa. Duqa maagalada Vaasa Heikki Kaukoranta waxaa uu sheegay in 177 xaaladood oo faafista feyruska korona ah ay ka dhacday magaalada Vaasa.

Gudiga arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee magaalada Vaasa ayaa shir degdeg ah oo isugu yimaadeen waxaa ay ku go’aamiyeen in illaa iyo laga gaaraayo 25.10 aan dadku isugu imaan karin wax badan 50 qof. Sidoo kale waxaa gudigu uu soo jeediyay in tartamada kooxaha iyo tababaradaba la hakiyo illaa iyo laga gaarayo isla taariikhdaas kor ku xusan.

Iskuul ku yaalla Vantaa oo 30 qof oo ka mid ah la geliyay karantiil

Iskuulka la yiraahdo Rekola ee Vantaa ku yaalla ayaa hal qof oo dhigta waxaa laga helay feyruska korona.

Dadka faafista cudurka u nuglaaday ayaa tiradoodu gaaraysaa 30 qof, kuwaasoo la geliayay karantiil Illaa iyo 14 .10.2020.

Iskuulka Rekola waxbarashadu sidii caadiga aheyd ayay uga sii soconeysaa, ardayda la galiyay karantiilka mooyaane, kuwa kale si caadi ah ayay iskuulka u imaanayaan. Kamana jirto wax kale oo khatar faafista cudurka ah.

Qoysaska dadka u nuglaaday feyruska iyaga lama gelinaayo karantiil, waayo wax xiriir ah iyagu lama aanay yeelan qofka qabay feyruska koronaha.

Xaaladda Pohjois-Karjala oo ka soo dareysa

Faafista feyruska korona ee toddobaadkii hore laga ogaaday Joensuu iyo isbitaalka dhexe ee Waqooyiga Karjala ayaa rafashadiisu ay meel xun gaadhay, si degdeg ah ayayna u sii ballaaranaysaa. Waxaana sidaa sheegay waaxda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee isutagga degmooyinka Waqooyiga Karjala.

Xanuunka faafistiisa ayaa si fiican haatan ugu galgashay illaa toban magaalo oo gobolkaas ka tirsan, waxaana feyruska u nuglaaday in ka badan 100 qof, kuwaasoo sida waaxda caafimaadku ay sheegtay haatan lagu guda jiro dabagalkooda.

Xaaladda magaalada Lieksa ayaa iyaduna deggan, kaddib marki toddobaadkii la soo dhaafay uu feyrusku si weyn ugu dhex galgashay. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa faafista feyrusku ay ka soo ifbaxaysay dadkii hore karantiilka ugu jirey. Mana jiraan wax cusub oo u nuglaanta feyruska ah. Illaa iyo haatan tiro gaareysa 33 qof ayaa laga helay feyruska korona.

 Halkan waxaan ku xuseynaa faafista feyruska korona ee qaar ka mid ah dalalka caalamka

 Faransiiska

Dowladda faransiiska ayaa si ay uga hortagto faafista feyruska korona, waxaa ay go’aan ku gaartay in muddo laba toddobaad ah la xiro maqaaxiyaha iyo baararka waaweyn ee ku yaalla magaalada caasimadda ee Paris.

Dowladda ayaa go’aankeeda u cuskatay kaddib markii baararka iyo maqaaxiyuhu ay dad badan soo jiiteen, halkaasna aan la tixgelinin oo la iska illaaway masaafaddii ammaanka ahayd ee dadku isu jirsanayeen.

Dalka Checkoslovakia

Dalka Checkoslavakia ayaa laga bilaabo maanta waxaa la geliyay xaalad aan caadi ahayn oo 30 maalmood ah, faafista feyruska korona awgiis.  Sidoo kale waxaa la joojiyay dhammaanba isu imaatinka kooxaha muddo 14 maalmood ah.

Dowladdu waxaa ay go’aan ku gaartay in xitaa gudaha aanay ku kulmi karin wax ka badan 10 qof. Bannaanka waxaa la oggol yahay 20 qof oo kaliya. Sharciyadaas ma saamaynayaan qoysaska gudahooda.

Xigasho: YLE, HS, Aljazeera