Dadka ka imaanaya Waqooyiga Makedooniya ee ku soo laabanaya Finland oo wali qaarkood laga helaayo feyruska korona

Dad ka soo laabanaya fasaxii ay ku tageen caasimadda Waqooyiga Makedonia ee Skopje ayaa wali laga helayaa feyruska korona.

Talaadadii la soo dhaafay ayaa laga helay 17 qof oo cusub oo uu ku dhacay feyruska korona, kuwaasoo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa diyaaraddii ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Turku. Diyaaraadan oo ay saarnaayeen rakaab tiradoodu gaareyso 127 qof, kuwaas oo 113 kamid ah laga qaaday saamiga baaritaanka feyruska korona.

Waxaa muddo todobaad ka badan ah baaritaan aad u xooggan oo arrinkaan ku saabsan laga waday magaalada Turku iyo magaalooyinka ku xeeran, tirada dadka cudurka laga helayna waxaa ay gaareyso 60 qof.

Arrinka ku saabsan sidii laga yeeli lahaa duulimaadka diyaaraddan oo toddobaadkiiba laba mar ka timaadda Waqooyiga Makedooniya oo timaada magaalada Turku ayaa muran xoog leh ka dhex dhalisay Golaha Wasiirada ee dalkan Finland.

Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii isku raacay go’aanka ah in joojinta kummeelgaarka ah ee duulimaadyadan ay soo diyaariso Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinka ee dalkan Finland (Traficom).

Ustaad Abdirizak Sugulle