WHO oo faahfaahin ka bixisay hadal ay horay u sheegtay oo ku saabsanaa sida Korona loo kala qaado

Vantaa 11.6.2020 Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa faahfaahin ka bixiyay bayaan lagu jahawareeray oo uu horay sii daayaan, bayaankaas oo sheegayay in dadka qaba cudurka Korona balse aan la dhul-dhicin astaamaha cudurkana aan laheyn ay si dhif iyo naadir ah dadka kale u qaadsiiyaan cudurkan.

Maria van Kerkhove  oo soo jeedisay bayaanki hore ee WHO ayaa hadda sheegaysa, in su’aasho ay tahay mid adag islamarkaasna ay jireen wax badan oo aanan weli cudurkan laga ogeyn.

Kerkhoven waxay sheegtay in cudurkan inta badan laga qaaday dad lahaa astaamaha cudurka lagu garto. Dadka fayruskan sida balse aan laheyn astaamaha cudurka lagu garto ayaa iyaguna dad kale cudurka ku qabadsiiyay.

Hawlwadeennada iyo khabiirada caafimaadka dunidu waxay weli la kufaa-kacayaan xal iyo daawo u helidda fayruskan dhammaadkii sannadkii 2019 sida la qabo Shiinaha ka soo bil-baxay kaddibna dunida inteeda kale aad ugu fiday.

Saameynta cudurkan ayaa meel walba gaartay waxaana uu kala xiray isu-socodki gaadiidka dalalka isaga goosha ee mara cirka, dhulka iyo biyaha.

Sawirka: Reuters