Finland waxaa laga helay maanta 289 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 4 dhimasho cusub ah

Khamiis 15.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 289 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 83 253 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 5 147 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 60 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 144 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 60 qof. Sidoo kale gobolka Pohjois-Pohjanmaawaxaa  laga helay 10 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 43 Pori 2
Turku 38 Rovaniemi 2
Vantaa 35 Varkaus 2
Espoo 27 Mynämäki 2
Salo 11 Kauhajoki 2
Lappeenranta 10 Lahti 2
Kerava 10 Raisio 2
Oulu 10 Kaarina 2
Tuusula 7 Eckerö 1
Seinäjoki 6 Siuntio 1
Kotka 5 Kurikka 1
Järvenpää 5 Sulkava 1
Porvoo 5 Siilinjärvi 1
Savonlinna 5 Laitila 1
Nokia 5 Inkoo 1
Maarianhamina 4 Hämeenlinna 1
Nurmijärvi 4 Rauma 1
Jomala 4 Somero 1
Naantali 4 Parkano 1
Tampere 3 Joensuu 1
Pyhtää 3 Hamina 1
Kirkonnummi 3 Kuhmo 1
Kouvola 2 Vihti 1
Säkylä 2 Muurame 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 161 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  37 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 885 qof, kaddib markii ay maanta hay’adda THl sheegtay dhimashada 4 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 37 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 3 621 oo qof, kuwaasoo 3 261 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 359-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

 

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 230 792 oo qof (15.04).

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
Tirada feyruska laga helay 46 966 744 139 042 474
Tirada u dhimatay feyruska   1 009 866 2 989 347

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS