Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Korona ee Finland


(Uusimmat tiedot korontilanteesta Suomessa somaliksi)

Helsinki 10.6.2020, 18.44 saac (Wakhtiga Helsinki) Finland

Tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay illaa iyo hadda waa 7040.
Tiradii shalay waxaa ku korortay 15 kiis.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 24 (Wax kiis ah kuma kordhin tiradii shalay) qofood halka qaybta gargaarka degegga ah ay ku jiraan 4 qofood (Wax kiisi ah kuma kordhin tiradii shalay).

Illaa iyo hadda waxaa la diiwaangeliyay 324 qofood (Wax kiis ah kuma kordhin tiradii shalay) oo fayruska Korona u geeriyootay.

Hay’adda Caafimaadka iyo nololwanaagga Finland (THL) waxay sheegtay in kiisaska Korona ee ugu badan laga helay Helsinki marka la barbardhigo magaalooyinka kale waxaana magalaada deggan 2684 (7 kiis ayaa tiradii shalay ku korortay) qofood oo laga helay fayruska Korona.

Xigasho: YLE/THL