Tababarka iyo tacliinta booliska Finland oo dunida ammaan ka helay, waa maxay sababtu?

Helsinki 13.6.2020 Booliska Finland ayaa maalmahan soo jiitay indhaha Caalamka kaddib markii CBS oo ah warbaahin Mareykanka laga leeyahay ayaa tababarka la siiyo booliska Finland ku tilmaantay mid heerkiisu uu dunida ugu sarreeyo.

”Waa war aad u wanaagsan in aan maqalno in Finland oo ah dal yar, ha’aydda booliska Finland oo iyaduna sii yar iyo weliba dugsiga tacliinta xirfadda sare ee booliska oo isna aad u sii yar ay helaan aqoonsi sidaas u ballaaran” sidaas waxaa Telefishinka MTV3 u sheegay Kimmo Himberg, Maamulaha dugsiga tacliinta sare ee xirfadda booliska.

Maamuluhu wuxuu sidoo kale sheegay in inta uu shaqadan ku jirin uusan weligiis maqlin ammaan iyo aqoonsi baaxaddan leh oo loo soo jeedinayo habka loo tababaro booliska Finland.

Tababarka booliska Finland iyo kan Mareykanku aad ayeey u kala duwan yihiin. Farqiga ugu weyn ee u dhexeeya labada tababarna waa in booliska Finland loo tababaro heer lamid ah kan jaamacadaha, waxbarashadooduna ay leedahay manhaj mideysan.

Maamule Himberg ayaa dhanka kale sheegay in ogaalkiisa ay Mareykanka ku yaalaan ku dhowaad 600 oo machad oo booliska Mareykanka lagu tababaro, kuwaas oo aan laheyn manhaj waxbarasho oo isku mid ah.

Himberg ayaa sheegay in booliska Finland si qotodheer loo baro wax badan oo ka mid ah sharciga dalka u degsan, doorka uu boolisku bulshada ku dhex leeyahay iyo arrimaha anshaxa guud bud-dhigga u ah.

Warkan ayaa ku soo beegamaya xilli dalka Mareykanka ay ka taagantahay xaalad cakiran oo ka dhalatay dhimashadii uu gacanta booliska ku dhintay nin madowga Mareykanka ahaa oo lagu magacaabi jiray George Floyd.

Dhimashada ninkan ayaa kicisay dareenka dadka Mareykanka waxaana si baahsan dalkaas uga dhacay welina meelaha qaar ka socda dibadbaxyo nabadeed iyo kuwa rabashado wato oo lagu doonayo in dadka Madowga ah ee Mareykanku ay helaan caddaalad iyo sinnaan.

Isha warka: MTV3

Sawirka: Poliisi.fi