Doorashooyinkii ugu horreeyay ee Gobollada Finland oo soo idlaaday iyo Xisbiga Isbahaysiga Qaranka (Kokoomus) oo kaalinta koowaad ka galay doorashada

Aluevaalit-2022- Kuva Abdi Musse Mohamud

Waxaa shalay (23.1.2022) 21 deegaan doorasho gobolleed lagu soo gebagebeeyay doorashadii abid nooceeda oo kale oo dalka Finland ka dhacda. Doorashada Gobollada ayaa marka si guud la isugu geeyo waxaa kaalinta koowaad si muuqata u galay Xisbiga haatan mucaaradka ah ee Isbahaysiga Qaranka (Kokoomus).

kaalinta labaad ayaa waxaa soogalay Xisbiga Sooshal Dumuquraadiga oo hadda hoggaamiya xukuumadda isbahaysiga ah ee Finland.

Xisbiga siyaasad ahaan Dhexdhexaadka ah ee Finland (Keskusta) oo ka mid ah xukuumadda isbahaysiga ah ee Finland ayaa isna kaalinta saddexaad soogalay.

Tani waxay ka dhigantahay in Saddexda Xisbi siyaasadeed ee dalkan ugu weyn ay haatan soo baxeen oo ku guuleysteen doorashada Gobollada, inkastoo tirada guud ee codkooda doorashadan ka dhiibatay ay tahay mid ka hooseysa boqolkiiba konton (50%) dadka xaqa u leh in ay codkooda dhiibtaan.

Sababta doorashadan muddo la sugayay loo qabanqaabiyay iyo waxyaabaha ay qabanayaan dadka la soo doorto waxaad ka aqrisataa halkan.

SSMV