Doorashooyinka Gobollada dalka Finland ee hordhaca ah oo si habsami leh u socda iyo deegaannada qaar oo si weyn looga codeeyay

Aluevaalit-2022- Kuva Abdi Musse Mohamud

Sida lagu baahiyay barta internetka ee YLE, waxaa illaa iyo hadda codkooda ka dhiibatay doorashooyinka gobollada ee dalka Finland sida hordhaca ah uga socda boqolkiiba shan iyo toban dhibic sagaal (15,9%) dadka xaqa u leh in ay codkooda dhiibataan.

Codbixintan horudhaca ah oo billaabatay 12.1.2022 ayaa waxay dhammaanaysaa 18.1.2022 kaddibna waxaa loo gudbi doonaa maalinta doorashada gobollada ee rasmiga ah oo ku beegan 23.1.2022.

Doorashada gobollada ayaa waxaa u sharraxan 10,000 oo qofood oo murashixiin ah. Doorashooyinka gobollada ayaa ah kuwa muhiimaddooda leh, sababtoo ah waxaa ka soo baxaya oo lagu dooranayaa dadka gaari doona go’aannada la xiriira daryeelka caafimaadka iyo bulshada, kuwaas oo ah adeegyada aasaasiga ah ee ay sida weyn dadka Finnishku u baahan yihiin.

Doorashadan gobollada ayaa ah tii ugu horreysay ee dalka Finland laga qabanqaabiyo, horay waxaa dalka uga jiray doorashooyinka kala ah degmooyinka, baarlamaanka, madaxweynaha iyo baarlamaanka Yurub.

Murashixiin asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda ayaa doorashooyinkan ka sharraxan iyagoo ka kala socda degmooyin kala duwan.

Ma doonaysaa in aad jawaab u hesho su’aalahan? Maxey doorashooyinka gobolladu, maxaa lagu go’aaminayaa, maxay tahay sababta loo codeynayo iyo dadka loo codeynayo? Riix linkigan waxaad heli doontaa jawaabta su’aalaha kor ku qoran.

Isha warka: Yle