Finland waxaa laga helay maanta 221 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 5 xaaladood oo dhimasho ah

Talaada 12.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 221 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 39 011 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 31 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 144 qof, Gobollada kala ah Varsinais-Suomi iyo Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay midkiiba 19 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 73 qof, Espoo: 30 qof, Vantaa: 28 qof, Oulu: 18 qof, Turku: 16 qof, Kajaani: 14 qof, Sipoo: 6 qof, Ilomantsi: 5 qof, Rovaniemi: 3 qof, Kurikka. 3qof, Järvenpää, Kauhuva, Tuusula iyo Lahti oo min 2 qof laga helay, iyo inta soo hartay magaalooyinka kale oo min hal qof laga helay.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 158 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 602 qof, kaddib markii hay’adda THL ay maanta sheegtay in Isniintii la soo dhaafay kaddib illaa iyo maanta ay feyruska korona u dhinteen 5 qof oo hor leh.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa,iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.

Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo , Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala iyo Kainuu.

Heerka hoose: Itä-Savo, Pohjois-Savo iyo Lappi.

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 29 204 834    91 414 779
         626 068       1 955 773

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 23,1 milyan   214 683    1 964  385 249
2 Hindiya 10,5 milyan     12 482       166  151 364
3 Baraaziil 8,13 milyan     28 043       477  203 617
4 Ruushka 3,42 milyan     23 315       436    62 273
5 Ingiriiska 3,11 milyan     46 169        529    81 960
6 Faransiiska 2,79 milyan       3 582       310    68 060
7 Turkiga 2,33 milyan    10 220       174    22 981
8 Talyaaniga 2,28 milyan     12 532       448    79 203
9 Isbeyn 2,11 milyan     24 631       133    52  275
10 Jarmalka 1,94 milyan     11 723       663    42 097
11 Kolombiya 1,80 milyan     15 003       337    46 451
12 Arjantiin 1,73 milyan       8 704        159    44 654
13 Meksiko 1,53 milyan     10 003        502  133 706
14 Poland 1,39 milyan       4 447          78    31 267
15 Iiraan 1,29 milyan       6 208          91    56 262
16 K/Afrika 1,24 milyan     15 046        416    33 579
17 Ukriane 1,12 milyan       4 288          68    19 835
18 Peru 1,04 milyan       2 166          55    38 335

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS