Cudur cusub oo la yiraahdo Furuq-daanyeereed oo six un Qaaradda yurub ugu dhex faafaya

Axad 22.5.2022.. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga dalkaan Finland (THL) ayaa shaaca ka qaadday, in ay la socon doonto xaaladda cudurka furuq-daayeereedka ee dalkaan Finland.  Illaa iyo haatan wax xaalad cusub oo cudurkaas ah laguma arag dalkaan Finland.

Cudurkaan naadirka ah waxaa uu soo baxay maalmihii la soo dhaafay, kaddib markii tobannaan qof oo qaba lagu arkay dalalka Maraykanka, Kanada iyo dhowr dal oo qaaraddaan Yurub ka tirsan. Khamiistii la so dhaafay ayaa shaaca laga qaaday in cudurku uu soo cagadhigtay oo lagu arkay dalka Iswedhen, waxaana ay hay’adda caafimaadka ee dalkaas Iswedhen ay ka codsatay xukuumaddooda in ay ku dhawaaqdo in uu yahay cudur faafa oo halis ku ah caafimaadka guud ee dadweynaha.

Sida ay sheegtay hay’adda Caafimaadka iyo nololwanaagga THL cudurkaan furuq-daanyeeredka waxaa uu u eg yahay sida cudurka busbuska oo kale, waxaana nabarada ka soo baxa qofka ay ku faafayaan jirka oo dhan. Astaamaha xanuunkaan uu yeesho waxaa ka mid ah qandho ama xummad, madax-xanuun iyo murqo-xanuun. Waxaana sida la sheegay uu xanuunkaan aad ugu faafay maalmihii la soo dhaafay ragga khaniisiinta ah, inkasta oo hay’adaha caafimaadku ay sheegeen in cudurka uu ku faafi karo istaabashada xagga jirka ah.

Xigasho: wakaaladaha wararka