Dhaawac ka dhashay dhallinyaro ku dagaashay deegaanka Kivikko ee Helsinki

Helsinki 16.6.2020- Dagaal u dhexeeyay tiro dhallinyaro ah ayaa ka dhacay deegaanka Kivikko ee magaalada Helsinki. Dagaalkaas oo loo adeegsaday mindiyo ayaa waxaa ku dhaawacmay sida ay boolisku sheegeen labo qofood.

Cidda falkan dhaawaca ah geysatay ayeey boolisku sheegeen in ay weli ku raadjoogaan oo illaa iyo hadda aan la qaban. Labada qofood ee dhaawacantay ayaa waxaa loola cararay cusbitaalka waxaana weli cusbitaalka ku jira mid kamid ah labadaas dhaawacantay.

Goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa waxaa joogay dhallinyaro badan, kuwaas oo qaar kamid ah ay diideen in ay booliska uga waramaan wixi meesha ka dhacay. Si kastaba ha ahaatee boolisku waxay codsanayaan in cid kasta oo dhacdadan war ka haysa ay qaybta rabshadaha qaabilsan ee booliska kala soo xiriirto iimaylka vakivaltarikosyksikko.helsinki@poliisi.fi ama wakhtiyada shaqada telefoonka lambarkiisu yahay (saacadda u dhexeysa 8‒16) +358 295 476 182.

Boolisku waxay dhanka kale sheegayaan in aysan weli war sugan ka hayn sababta uu dagaalkan u dhacay iyo in dadka meesha ku dagaalay ay horay isu yaqaaneen iyo in kale.

Dagaallada u dhexeeya kooxaha dhallinyarada ah ayaa muddooyinkan dambe ku soo badanayay magaalada Helsinki waxaana xusid mudan in mararka qaar ay dagaalladaas dhex maraan dhallinyaro ama carruur ka kala timid xaafadaha magaalada Helsinki ama magaalooyinka ku xeeran.

Isha warka: Helsingin poliisi

Sawirka: MTVUUTISET