Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto ayaa sheegay in xukuumaddu ay go’aan ka gaarasyo Khamiista, Kooxda safar ee ay Finland ku biirayso.

Helsinki- 9.6.2020 Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Pekka Haavisto ayaa sheegay in xukuumaddu ay go’aan ka gaarasyo Khamiista, Kooxda safar ee ay Finland ku biirayso.

Xukuumaddu waxay saadaalisay in ay beddelayso siyaasaddeeda dhinaca safarka ee ku aaddan Norway iyo wadamada Baltiga, kuwaas oo xaaladdooda cudurka Korona ay ka wanaagsantahay tusaale ahaan Ruushka iyo Sweden.

Xukuumaddu waxay illaa iyo hadda dadka ku boorinaysay in ay iska ilaaliyaan safarada dibadda ee aan muhiimka aheyn.

–Hadda waxay u muuqataa in arrintaas laga hadlayo Khamiista. Maanta ayaan wacayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Estonia Urmas Reinsalu, waayo waxay iyaguna halkaas ku sugayaan go’aanka ay Finland arrintan ka qaadanayso. Sidaas waxaa sheegay Pekka Haavisto, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland.

 

Waxaa kale uu Telefishinka YLE sheegay in uu helay warar sheegaya in xukuumaddu ay ka xaajoonayso furitaanka safarka Jarmalka lagu aado.

 

Xigasho: Yle

Xuquuqda sawirka: