Finland waxaa laga helay 618 qof oo cusub oo qaba feyruska korona ah iyo 5 xaaladood oo dhimasho ah

JImce 27.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 619 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 23 766 qof.

Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 85 magaalo. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusi maa oo laga helay 352 qof. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruskana waa sidan soo socota: Helsinki (184), Espoo (69), Oulu (63), Vantaa (48), Alajärvellä (28). 

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 152 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 19 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay feyruska korona awgiis u dhintay dalkaan Finland  5 qof oo hor leh, taasoo tirada dhimashada ee feyruska korona awgiis tan iyo intii cudurka safmarka ah ka bilowady Finland  ka dhigaysa 393 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

17 393 562 61 079 658
 

Tirada u dhimatay feyruska

394 640    1   433 521

 Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 13.2   milyan   108 289    1 311 269 560
  2 Hindiya 9,30   milyan     43 174       491 135 752
  3 Baraaziil 6,20    milyan     37 672       698 171 497
  4 Ruushka 2,187  milyan     25 487       524   38 062
  5 Faransiiska 2,183  milyan      13 563       339   50 957
  6 Spain 1,63    milyan        7 991       337   44 374
  7 Ingiriiska 1,57    milyan      17 555       498   57 031
  8 Talyaaniga 1,50    milyan      29 003       822   52 850
  9 Arjantiin 1,39    milyan        9 043       227   37 941
10 Kolombiya 1,28    milyan         9 496       159   36 019
11 Mexico 1,07    milyan        10 335       858 103 597
12 Jarmalka 1,00    milyan        21 576       386   15 767
Xigasho: YLE,HS,Worldmeters