Finland waxaa laga helay maanta 223 xaaladood oo feyruska korona iyo 8 dhimasho ah

Khamiis 07.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 223 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 37 772 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 47 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 118 qof, Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 22 qof laga helay iyo gobolka Pirkanmaa oo 17 qof oo laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 62 qof, Vantaa: 26 qof, Espoo: 21 qof, Oulu: 2o qof, Kouvola: 10, Hämeenlinna: 11 qof, Tampere: 9 qof, Vaasa: 9 qof, lahti: 5 qof, Kotka: 4 qof, Turku: 3 qof, Rusko: 3 qof, Kuopio: 3 qof, Lappeenranta: 3 qof, Nurmijärvi: 2 qof, Kerava: 2 qof, Virrat: 2 qof, Maarianhamina: 2 qof,Keski-Suomi: 2 qof, Etelä-Pohjanmaa: 2 qof, Pohjois-Karjala: 2 qof, Länsi-Pohja: 2 qof,

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 186 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 32 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 584 qof, kaddib markii ay hay’adda THl sheegtay in lix qof oo hor leh ay dhinteen maanta.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.

Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.

Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

27 925 365    87 783 225
      601 421      1 894 262

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 22,4 milyan 260 973   4 100 369 990
2 Hindiya 10,4 milyan    20 460       221  150 372
3 Baraaziil 7,87 milyan    62 532   1 266  199 043
4 Ruushka 3,30 milyan    24 217       445    59 951
5 Ingiriiska 2,83 milyan    62 322     1 041    77 346
6 Faransiiska 2,70 milyan    25 379       283    66 565
7 Turkiga 2,28 milyan    13 830       191    22 070
8 Talyaaniga 2,20 milyan    20 331       548    76 877
9 Isbeyn 1,98 milyan    51 430
10 Jarmalka 1,84 milyan    26 651    1 019    38 199
11 Kolombiya 1,71 milyan    16 805       297    44 723
12 Arjantiin 1,67 milyan    13 441       191    43 976
13 Meksiko 1,46 milyan     11 271    1 065  128 822
14 Poland 1,34 milyan    14 216       553    30 055
15 Iiraan 1,26 milyan       6 283         82    55 830
16 K/Afrika 1,14 milyan     21 832       392    31 368
17 Ukriane 1,09 milyan       6 911       228    19 357
18 Peru 1,02 milyan       2 414         66    37 991

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS