Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 469 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo hal qof oo u dhintay feyruska awgiis

 Sabti 21.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 469 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 21 216 qof.

Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 52 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 341 xaaladood oo cusub, Waaxda caafimaadka ee Pirkanmaa 20 qof, waaxda caafimaadka ee Pohjois-Pohjanmaa 18 qof.  Magaalooyinka sidan soo socta ayaa looga kala helay feyruska Helsinki: 188 qof, Espoo: 62 qof, Vantaa: 59 qof, Oulu: 16 qof, Joensoo: 16 qof, Lähti: 15 qof, Nokia: 9 qof, Turku: 7 qof, Jyväskylä: 7 qof, Tampere: 5 qof, Kouvola: 5qof, Pohjois-Savo: 7 qof, Järvenpää, Nurmijärvi,  Hyvinkää, Tuusula, Alajärvi, Kerava: Magaalöo kastaa 4 qof.

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 104 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 10 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Tirada dhimashada ayaa maraysa tan iyo intii uu xanuunkaan safmarka ah ka bilowday dalkaan Finland 375 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

16 030 104 57 706 448
 

Tirada u dhimatay feyruska

364 806 1 373 695

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 12,2 milyan   201 434    1 956 260 288
2 Hindiya 9,05   milyan     46 288       562 132 764
3 Baraaziil 6,20   milyan     37 075       521 168 662
4 Faransiiska 2,10   milyan     22 882       634   48 265
5 Ruushka 2,03   milyan     24 318       461   35 311
6 Spain 1,58   milyan     15 156       328   42 619
7 Ingiriiska 1,47   milyan     20 252       511   54 286
8 Arjantiin 1,38   milyan       9 680       258   36 790
9 Talyaaniga 1,34   milyan     37 242       699   48 569
10 Kolombiya 1,23   milyan        7 954       168   34 929
10 Mexico 1,01   milyan        4 472       576  100 104
Xigasho : YLE, HS, Worldmeter