Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 296 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

 Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Khamiis 08.10.2020 laga helay feyruska korona 296 qof oo cusub oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 11 345 qof.

Madaxa istaraatiijiyadda wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada Liisa-Maria Voipo-Pulkki ayaa sheegtay in soo ifbxaan feyruska korona ee aadka u badan ay tilmaan cad u tahay in dalka Finland ay ka bilaabatay mawjaddii labaad ee xanuunkan safmarka ah.

Waxaa Liisa-Maria ay sheegtay in xaaladda dabagalka feyruska korona ay haatan ka jirto culeys aad u fara badan, waxaana ay rajeyneysaa in ablikeeshinka koronavilku ay dadku isticmaalaan si howshu u fududaato.

Tirada cusub ee maanta la helay waxaa ugu badan magaalada Helsinki 73 qof, Vaasa 97 qof, Espoo 21 qof, Vantaa 15 qof.

Dugsiyada hoose Dhexe ee magaalada Vaasa oo waxbarashadii loo wareejiyay dhanka Internetka

Magaalada Vaasa waxaa maanta oo Khamiis ah la go’aamiyay in waxbarashada dugsiyada hoose dhexe loo wareejiyo dhanka Internetka, xaaladda feyruska korona ee maagalada Vaasa oo ka soo dartay awgeed. Waxaana  fasallada dhexe iyo kuwa hoose ee 4-6 ay dhammaantood waxbarshada ka dhigan doonaan dhanka interntka iyagoo guryahooda jooga, laga bilaabo Isniinta soo socota.

Waxaana waxbarashadaas dhanka internetka ee fasallada dhexe ee Vaasa ay socon doontaa illaa iyo 25.10, fasallada hoosena illaa iyo 19.10. Markaa kaddib ayaa xaaladda haddana markale dib loo qiimeyn doonaa.

Iskuulka waxaa waxbrashada ku qaadan doona oo kaliya fasallada 1-aadka iyo 2-aad ka, ardayda waxbarashada khaaska ah ku jirta iyo kuwa dhigta fasalka u diyaarinta waxbarashada.

Magaalada Vaasa waxaa toddobaadyadii ugu dambeysay aad u ruxaysay mowjad aad u kacsan oo faafista iyo u nuglaanta feyruska korona ah, taasoo ka dhex jirtey iskuullada waxbarashada hoose dhexe.

Xirfadlayaasha dhanka maqaaxiyaha oo ka soo horjeestay xadeynta la sii adkeeyay ee lagu soo rogay baararka iyo maqaaxiyaha

Xirfadlayaasha dhanka baararka iyo maqaaxiyaha iyo wakiillada u qaabilsan ilaalinta danahooda ayaa maanta waxaa ay mudaaharad ka dhigeen fagaaraha qaranka ee magaalada Helsinki, kaasoo ay kaga soo horjeedeen xadidaada aadka u adag ee lagu soo rogay baararka iyo maqaaxiyaha, xaaladda feyruska korona ee ka soo dareysa awgeed.

Waxaana xirfadlayaashu ay u arkaan in xaddidaadan cusub ee lagu soo rogay ay saameyn ku yeelan doonto ganacsigooda, gaar ahaan dhanka shaqaaleynta iyo sidii ay baaraka iyo maqaaxiyuhu cagahooda isugu taagi lahaayeen.

Xadeynta soo gelitaanka dalka oo mar kale dib loogu soo celiyay isu socodka gaadiidka ee u dhexeeya dalkan Finland iyo dalalka Latvia, Liechtentein iyo qubrus

Golaha dowladda ayaa markale dib u adkeeyay xadeynta soo gelitaanka waddanka, iyagoo sal uga dhigay arrinkaas xaaladda feyruska korona.

Xadeyntaas ayaa markale dib loo isticmaali doonaa, iaydoo lagu dabaqaayo isu socodka gaadiidka ee u dhexeeya Finland iyo dalalka Latvia, Liechtenstein iyo Qubrus.

Golaha dowladda ayaa arrinkaan ku go’aamiyay shirkoodii galabnimada khamiista. Waxaana dhammaan xadeynta soo gelitaanka xuduudaha dalkaan Finland ee haatan jira ay socon doontaa illaa iyo 10 bisha November.

Xadka loogu talaggalay in ay ku saleysnaato qiimeynta  soo gelitaanka dalkaan Finland ee ay dowladdu u dejisay arrinkaas ayaa ah, in soo ifibixista feyruska korona aanay kor u dhaafin 25 qof boqolkii kun ee qof ee kastaa.

Laba machad oo ku yaalla gobolka Lappi oo ay ka dhacday u nuglaanta feyruska Korona

 Waxaa gobolka Lappi ka dhacay u nuglaan aad u weyn oo kooxo ballaaran oo dad ah oo kala joogay laba macahad oo kala duwan.  Xarunta Waxbarashada Rovaniemi ee Retu iyo machadka waxbarashada ee Kemi ayaa lagu soo warramayaa in tiro 140 qof ay u nuglaadeen feyruska korona.

Xaaladda halkaas ayaa lagu soo warramayaa in ay deggan tahay, hawlwadeennada caafimaadkuna ay ogyihiin dhammaanba dadka u nuglaaday feyruska korona.

Mudadii Karantiilka oo laga bilaabo 12 ka bishaan laga dhigi doono 10 maalmood

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga ayaa sheegtay in mudadii go’doominta iyo karantiilka ee la xiriirey feyruska korona la soo gaabin doono oo laga dhigaayo 10 maalmood, laga bilaabo 12 ka bishan ee Isniinta soo socota.

Sida hay’addda THL ay sheegtay waxaa isbbeddelkaan uu khuseeyaa karantiilka qofku iskii sa ah iyo midka uu amray dhakhtarka cudurrada faafa. Illaa iyo haatan mudada karantiilku waxaa ay aheyd 14 maalmood. Waxaana THL ay sheegtay in isbeddelkaan uusan khuseynin mudada karantiilka ee bilowday wixii ka horreeyay isniinta soo socda.

Dhakhtarka sare ee hay’adda THL Taneli Puumalainen ayaa sheegay in baaritaanno badan oo la sameeyay ay caddaynayaan in qaar ka mid ah dadka u nuglaaday feyruska korona ay xanuunsadaan.

Kalabar xanuunnadaas dadka ku dhaca waxaa ay soo ifbaxaan muddo shan maalmood gudahood ah laga soo bilaabo xilligii u nuglaanta, inta ugu badanna waxaa ay ku soo ifbaxaan muddo 10 maalmood gudahood ah. Waxaana Puumalainen uu sheegay in dad aad u yar ay mudadaas kaddib xanuunsadaan.

Caabuqa koroonaha ee aadka u fudud, ee aan u baahneyn daryeelka isbitaalka, ayaa mudadii go’doominta ee 14 ka maalmood aheyd waxaa laga dhigayaa 7 cisho oo kaliya. Si kasta waxaa ay hay’adda THL xususineysaa dadka in guri ku go’doominta qofka la geliyo uu ka soo bixi karo, marka uu muddo laba maalmood ah, uu ahaa qofku mid aan laheyn wax astaamaha cudurka korona ah.

Xaaladda xanuunka feyruska ee aadka u daran ee u baahan daryeelka isbitaalka, ayaa wali mudada go’doominta ay tahay sideedii hore 14 maalmood. Go’doominta waxaa loola jeeda in qofka uu cudurka korona ku dhacay laga go’doomiyo dadka caafimaadka qaba.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo sheegtay in tiradii ugu badneyd ee hal maalin ah caalamka laga hely feyruska korona

 Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa caalamka oo dhan laga helay 338 779 qof oo hor leh oo qaba feyruska korona, waxaa sidaa boggeeda internetka ku sheegtay hay’adda qaramada midoobay u qaablisan arrimaha caafimaadka ee WHO. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters waa tiradii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed caalamka oo dhan laga helo feyruska korona.

Tirada guud ee caalamka oo dhan laga helay feyruska ayaa gaareysa 36 milyan oo qof, waxaana illaa iyo haatan caalamka oo dhan u dhintay feyruska korona 1049 810 qof.

Waddamada faafista feyruska korona ugu badan waa Maraykanka, Hindiya, Baraaziil iyo ruushka.

 Dalalka Jarmalka, Faransiiska, iyo Check

 Xaaladda feyruska korona ee dalalka Jarmalka, faransiiska iyo Chekh ayaa aad uga soo dareysa, iyadoo maalin walba lga helaayo dalalkaas tiro kor u dhaafeysa 4000 oo qof oo hor leh oo uu ku dhacay feyruska. Waxaana dalalkaas laga dhaqangeliyay xayiraado cusub oo looga hortagaayo faafista feyruska korona.

 Dalka Iiraan

Dalka Iiraan waxaa sida ay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas sheegtay maanta laga helay feyruska korona 4400oo qof oo hore leh, taasoo ahayd tiradii ugu badnayed ee feyruska korona laga helay hal maalin oo kaliya. Waxaana sidoo kale ay wasaaraddu sheegtay in ay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u dhinteen feyruska 230 qof.

Afhayeenka baarlamaanka Midowga Yurub oo u nuglaaday feyruska

Afhayeenka baarlamaanka Yurub David Sassoli ayaa la geliyay karantiil, kaddib markii uu u nugaaday feyruska korona. Waxaana afhayeenku uu sheegay in qof ka shaqeeya baarlamaanka uu ka qaaday u nuglaanta feyruska.