Finland waxaa laga helay maanta 446 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sabti 10.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 446 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 81 707 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 6 162 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 76 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 259 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 50 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 30 qof.  Sidoo kale gobolka Päijät-Häme waxaa  laga helay 23 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 95 Savonlinna 3
Vantaa 54 Rusko 3
Espoo 47 Jomala 3
Turku 24 Raisio 3
Tampere 22 Porvoo 3
Tuusula 18 Nurmijärvi 2
Kerava 17 Raahe 2
Salo 10 Joutsa 2
Lahti 13 Jämsä 2
Kouvola 7 Laihia 2
Lappeenranta 6 Mäntsälä 2
Hollola 6 Hämeenlinna 2
Järvenpää 6 Oulu 2
Kirkkonummi 6 Siikaltava 2
Kuopio 6 Tornio 2
Lieto 5 Sipoo 2
Kuopio 5 Pori 2
Seinäjöki 5 Kurikka 2
Pirkkala 5 Hyvinkää 1
Kotka 5 Lieto 1
Jyväskylä 5 Uusikaupunki 1
Ääneköski 4 Masku 1
Hamina 4 Pudasjärvi 1
Vihti 4 Valkeakoski 1

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 224 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  41 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 868 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 51 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 3 621 oo qof, kuwaasoo 3 261 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 359-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 087 911 oo qof (10.04)

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

  Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 

45 804 377

 

135 541 592

Tirada u dhimatay feyruska  990 827  2 932 314

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS