Yay Faa’iido ugu jirtaa haddaad madaxweynaha dalkaaga dacaayadayso?

Warbaahinta baraha bulshada waa howl banii-aadamka u fududaysay waxyaabo badan oo nolosha la xiriira, sida wadaxiriirka, wax is weydaarsiga dhanka afkaaraha iyo macluumaadka ah. Haddana waxaa la yiraahdaa waa mindi laba afle ah oo hadba dhan kuu xiiri karta.

Dad badan oo isticmaala baraha bulshada waxaa ay khalad ka fahmeen isticmaalka barahaas, iyagoo aan u aabbayeeleyn habayaraatee waxa ka dhalanaaya waxa ay soo qorayaan adduun iyo aakhiraba ee khatar iyo aakhiro seeg ah.

Waxaa habboon in qofka muslimka ah uu aad uga taxaddaro waxa uu soo gudbinaayo ama qoraayo, waana inuu ogaado in wax walba ay Allaah agtiisa ka diiwangashan yihiin oo lagu horkeeni doono maalinka qiyaamaha:

وإن عليكم لحافظين ، كراما كاتبين ، يعلمون ما تفعلون

Malaa’ig baana idin ilaalinaysa, Oo sharaf leh waxna qoraysa, Ogna waxaad falaysaan.

Aaydahaas qiimaha badan waxay qofka muslimka ah ku bixinayaan, inuu dareemo in qoraalka, wax sheegga iyo wax faafinta intaba ay yihiin ammaano iyo mas’uuliyad weyn, ayna la gudboon tahay in qofku uu naftiisa xisaabiyo inta uusan wax faafin, oo intuu yara hakado is weydiiyo, war bal waxaan aad qoraysaa ajar miyuu ku jiraa? Ma wax xaq lagu caddaynayaa? Ma wax la isugu dardaarmayo wanaagg iyo sabar baa? Waxaan aad faafinayso xaqiiqdooda ma haysaa ? iyo su’aalo kale oo fara badan. Haddii uusan sidaas yeelin qofku, ha ogaado in adduun iyo aakhiraba uu kala kulmi karo cawaaqib xumo iyo shalaytan aan waxba taraynin, xasanaadkaagana (waaba haddii aad xasanaad leedahaye) aad qof kale u shaqaynayso, xumaantii qofka kalena adiga dusha laguu saari doono.

Waxaan afeeftaas uga gol leeyahay, maalmahaan waxaa baraha bulshada aad loogu faafinayaa sawir la isla dhexmaraayo oo la leeyahay Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa u sujuuday maydka haweeneydii ka talinaysay dalkaas Ingiriiska. Arrinkaas waxaan ka oranayaa dhowr waxyaabood:-

  • Sawirkaan la isla dhex wareegaayo ma idinkaa ka qaaday madaxweynaha, mise waad hubtaan oo ciddii qaadday ayaad ogtihiin?
  • Sida sawirka ka muuqata waa mid photoshop lagu sameeyay, horena uma cusba sawirada noocaan oo kale ah, marka wax aadan xaqiiqdiisa hubin, haddii hadda lagu weydiiyana aadan ka jawaabi karin, maxaad u faafinaysaa?
  • Madaxweynuhu waa nin mas’uul ah, diin leh kalana garanaaya waxa xun iyo waxa san, maxaad ugu daninaysaa wax aadan adiguba samayseen, qof muslim ahna ka suuraggal ahayn?
  • Ugu dambayntii haddii aynu maanta oo dhan madaxweyne kastaa la daba taagnaanno burush xaar leh, baraha bulshada ku ceebeyno, su’aashu waxay tahay yay faa’ido ugu jirtaa?

Waxaan leeyahay dadka caadaystay in ay baraha bulshada ku faafiyaan cayda madaxweynaha, xumaanta, qabyaaladda iyo iska horkeenidda dadka, war Allaah ka baqa oo haddaydaan wax wanaagsan sheegeynin afkiina iska xirta.

Ogoowna marka aad ceeb la daba joogto madaxweynaha oo ah tilmaanta ugu sarraysa dalka, waxa aad qiimihiisa dilaysaa shakhsiga ma ahan, waayo shakhsi kastaa oo madaxweyne ah waqti go’an buu joogayaa wuuna tagayaa, ee waxa aad baabi’inaysaa waa sumcadda dalkaaga. Waana sida qofka culimada caayaya oo kale, oo waxa uu si dadban u caynayaa waa diintii. Waxaana jirta qaacido ay isticmaali jireen kooxihii cadowga islaamka ahaa ee diinta ka inxiraafay oo ah: si aad u baabi’iso mabada’ ay diinta islaamka xambaarsan tahay, diinta ha la dagaalina, ee sumacadda dadka diinta wada ha la dilo, si diintu u dhimato. Xittaa sida caddaaladda ah hadii qofka aad dhaliilayso, waxaa lagu dhaliilaa wax sax ah oo ujeedkada ka dambaysaana ay tahay wax toosin.

Ha la xishoodo oo madaxweynaha dalka halaga daayo dicaayadaha rakhiiska ah, waliba xilligaan uu dalku waajahayo laba dhibaatooyin ay midiba tan kale ay ka darran tahay, oo kala ah abaarta ba’an ee dalka ka jirta iyo la dagaallanka cadowga dhiibgacabbada ah ee aan arxanka lahayn ee Alshabaab.

Maanta looma baahna tafaraaruq iyo is xagxagasho, ee waxaa loo baahan midnino iyo in cadowga meel looga soo wada jeesto, waxaa muuqata fursad wanaagsan oo ah in shacabkii baraarugeen oo ay diyaar u yihiin iska rogidda heeryada arxanlaawayaasha ku gabbanaaya magaca diinta.

Waxaan aad uga helay qoraal aan ka soo xiganayo bogga saaxiibkeey marna macallinkayga saxaafadda ah Yaasin Ciise Wradheere oo ahaa , maahmaah afrikaan ayaa oranaysa: ” Ninka caqliga leh ayaa maskaxdiisa buuxiya, ka ho rinta usan afkiisa faaruqin.

Waxaa Qoray: Abdirazak Sugulle Maxamed