Xildhibaan Hussein al-Taee oo qabanqaabiyay seminaarkii ugu horreeyay ee ay ka soo qayb-galaan Finnishka Cusub iyo qaar kamid ah Hoggaankii hore iyo kan hadda ee dowladda Finland

MP al-Taee (sd) avaamassa New Finns Worshop/Photo-Facebook page

Espoo – Seminaarkan oo diiradda lagu saaray doorka ay Finnishka Cusub ka qaadan karaan horumarinta iyo dib u habaynta siyaasadda  iyo dhaqaalaha Finland ee mustaqbalka ayaa ka dhacay goobta loo tamashlahaha tago ee Luukki, magaalada Espoo.

Leirin osallistujat

Seminaarkan iyo guud ahaan madashan ugubka ah ayaa waxaa soo qabanqaabiyay islamarkaasna ka qaybgalayaasha ku casuumay Xildhibaan Hussein al-Taee oo ka tirsan Golaha Sharcidejinta Finland. Xildhibaan al-Taee oo horraantii sagaashamaadkii yimid Finland ayaa ka mid ah dadka fara-kutiriska ah ee asal ahaan ajnabiga ah oo siyaasadda Finland heerkan ka gaaray.

Ka qaybgalayaasha oo asal ahaan u kala qaybsanaa 15 jinsiyadood islamarkaasna ka kala yimid 7 magaalo oo Finland ku yaal ayaa waxaa loo qaybiyay shan kooxood, shantaas kooxood oo koox walba ay ka baaraandegaysay fikradana iska weydaarsanaysay sida ugu fiican ee ay u arkaan in Finnishka Cusub oo loola jeedo dadka asal ahaan dalka u soo guuray ee qaatay jinsiyadda Finland ay door muuqda uga qaadan karaan siyaasadda, laqabsashada iyo horumarinta dhaqaalaha Finland.

Xildhibaan al-Taee oo seminaarka furan ayaa isagoo faahfaahinaya ujeedada seminaarkan  ku sheegay, in seminaarkan uu yahay mid ugub ah oo aan horay noociisa oo kale loo qabanqaabin, sidaas darteedna la doonayo in dadka seminaarka ka qaybgelaya oo saamayn bulshada dhexdeeda ku leh ay maanta isbarteen, afkaar isweydaarsadaan kaddib meel isla dhigaan aragti ahaan sida ay dalkooda cusub uga noqon kartaa dad aan marti ka ahayn siyaasaddiisa, dhaqaalihiisa, waxbarashadiisa, laqabsashadiisa iyo weliba horumarinta dhaqaalihiisa iyo deganaanshihiisaba.

Presidentti Tarja Halonen uussuomalaisten leirillä

Seminaarka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne Tarja Halonen, Ra’iisal wasaarihii hore ee Finland Matti Vanhanen, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Finland Erkki Tuomioja, Wasiirka Arimaha dibadda Finland Pekka Haavisto, xildhibaanad Maria Guzenina.

Kansanedustaja Matti Vanhanen

Madaxdaan ayaa waxay ka hadleen muhiimadda ay leedahay in Finnishka Cusub ay iyagu qayb libaax ka qaataan dejinta qorshaha laqabsashada, shaqaaleynta, waxbarashada iyo dhammaan waxqabadyada lagu horumarinayo dadka asal ahaan dalka u soo guuray.

Ulkoministeri Pekka Haavisto
Entinen ulkoministeri kansanedustaja Erkki Tuomioja

Ugu dambayntii waxay kooxihii shanta ahaa ee semninaarka intii uu socday loo xilsaaray in ay ka soo talabixiyaan sida ugu fiican ee ay Finnishka cusub dalka horumarkiisa uga qaybqaadaan mustaqbalka soo jeediyeen talooyin wax-ku-ool ah oo aad loola dhacay. Waxay kooxuhu iyagoo aan is-ogeyn soo gudbiyeen talooyin taabanayay xaaladda hadda jirta iyo habka ugu fiican uguna macquulsan ee wax looga qaban karo xaaladahaas.

Habibo Ali kertomassa oman ryhmän pohdinnasta

Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay kooxuhu soo jeediyeen ayaa waxaa kamid ahaa; in tababaro dheeraad ah oo la xiriira habka loola macaamiilo dadka dhaqamada kala duwan leh la siiyo macallimiinta iyo tababarayaasha la shaqeeya dadka dalka ku cusub, in carruurta dalkan ku dhalatay laga daayo waajibka barashada afka finnishka oo sidii luqad labaad ah, taas oo saamayn muuqata ku leh dalbashada iyo helitaanka tacliinta sare, sida jaamcadaha iwm.

Kansanedustaja Maria Guzenina

Waxaa kale oo la soo jeediyay, in si wax looga beddelo muuqaalka qaldan ama aan saxda ahayn ee dadka asalkoodu ajnabiga yahay, ay Finnishka Cusub ee xiisaynaya galaan mihnadda saxaafadda Finland.

Toinen ryhmä puheenvuorossa
Osallistujat
Habiba Ali, Maria Guzenina, Tarja Halonen, Matti Vanhanen ja Erkki Tuomioja

Haddii ay Finnishka cusub galaan saxaafadda waxaa hubaal ah ayaa lagu yiri soojeedinnada, in muuqaalka marin-habaabsan ee inta badan Finnishka Cusub laga bixiyo uu meesha ka baxayo, sababtoo ah waxay saaxafaddu markaas noqonaysaa mid soo gudbisa warar iyo xaqiiqooyin dhinacyo badan ka hadlaya, kuwaas oo xaqiiqda ku salaysan.

Herkkuhetki

Gunaanadkii ayaa Xildhibaan al-Taee oo seminaarka soo xiray uu uga mahadceliyay ka soo qaybgalayaasha seminaarka sida wacan ee ay aragtidooda isu weydaarsadeen wuxuuna siidoo kale ballanqaaday in uu mustaqbalka xoogga saari doono qabanqaabinta seminaaro noocan oo kale ah.

SSMV