Xuska 20 sano-guurada ururka R3 oo lagu qabtay magaalada Vantaa iyo duqa magaalada Vantaa oo ka qaybgalay

Ururka R3 oo u dabaal degaya 20 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ururkaas. Sawirka: Mohamed Ibrahim

Ururka R3 Maahanmuuttajannuorten Tuki ry ayaa xuska 20 sano guurada ka soo wareegtay aasaaska ururka  oo lagu lamaaniyay xuska 50 sano guuradii magaalada Vantaa ku qabtay magaalada Vantaa ee dalka Finland.

Duqa magaalada Vantaa oo jaraya doolshaha 20 sano guuradii ururka R3. Sawirka: Mohamed Ibrahim

Xuska munaasabadahan is biirsaday ayaa waxaa ka soo qeyb galay duqa magaalada Vantaa,    Pekka Timonen, kaas oo ugu horeyn warbixin dhinacyo badan taabaneysa ka dhegeystay Dr. Saciid Carale oo ah Agaasimaha fulinta  R3  Maahanmuuttajannuorten Tuki ry, kaddibna xarunta ururka kula hadlay xubno isugu jiray dhallinyaro, haween iyo aqoonyahano.

Pekka Timonen ayaa sheegay in maadaama uu shaqada bilaabay bishii Agoosto ee sanadkii tegay uu ahmiyad gaar ah siinayo in uu la kulmo, dhegeysto dadweynaha, kadibna  ay ku biiriyaan howlaha shaqo ee ay tahay in ay magaaladu aqabato.

Dadweynaha goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhibaato ay ka jirta helista guryaha magaalada, maadaama aysan u saamaxeynin dadka mushaarkoodu yar yahay inay guryaha shirkadaha ee gaarka loo leeyahay degganaadaan.

Duqa magaalada Vantaa ayaa horaantii bishan sidoo kale booqday Masaajidka As-Salam Mosque, isagoona halkaas kula kulmay jamaacada Masaajidka oo uu hormuudka u yahay Sheikh Sharmaarke Said Aw-Muse. Labadan masuul ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee magaalada, gaar ahaan xaalada Muslimiinta Vantaa, iyagoona si gaar ah diiradda u saaray arrimaha dhallinyarada.

Magaalada Vantaa ayaa ah magaalada ay deggan yihiin ajaanibta ugu badan, waxaa sidoo kale magaalada Vantaa deggan illaa 7000 oo caruur ah oo dhigata diinta Islaamka.

SSMV