Xuska 1da Luulyo oo maanta ka dhacay Bariga magaalada Helsinki, Finland (Sawirro hadlaya)

Helsinki 1.7.2020 Xuskan oo lagu qabtay meel fagaara ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay Jaaliydda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland gaar ahaan ku deggan caasimadda iyo magaalooyinka ku hareeraysan ee la jaarka ah.

Carruur, dhallinyaro, da’ dhexaad iyo dad jilib-weyn ah ayaa madasha xuska 1da Luulyo ee Helsinki soo buux-dhaafiyay waxayna iyagoo ruxaya calanka Soomaaliya wadajir u qaadayeen heeso waddani ah.

Dareen kulansaday Qiiro, dal-tabyo, waddaniyad iyo farxad ayaa ka muuqday wajiyada in badan oo madasha joogtay.

Xuquuqda sawirrada: Mahad Shiikh Muuse iyo Cismad Caynte