THL: Tirada carruurta qoysaskooda lagala wareegay ee goobaha daryeelka meeleynta la dejiyay oo yaraatay sannadkii 2021

Warbixin ay 6.6.2022 soo saartay Hay’adda caafimaadka iyo Nololwanaagga Finland (THL) ayaa lagu sheegay, in tirada carruurta lala wareegay ee goobaha daryeelka meeleynta la dejiyay ay hoos u dhacday sannadkii 2021.

Tirada guud ee carruurta lala wareegay islamarkaasna la dejiyay meelo kale oo aan ahayn guryaha qoysaskooda ayaa guud ahaan sannadkii tegay ahaa 11 210 oo cunug, taas oo boqolkiiba saddex (3%) kayar tiradii sannadkii 2020.

Tirada carruurta lala wareegay oo saddex sannadood ee la soo dhaafay si xiriir ah hoos ugu dhacaysay ayaa loo sababeeyay, carruurta iyo qoysaskooda oo si fiican uga faa’iideystay noocyada kale ee caawimaadda adeegyada badbaadada carruurta iyo xaaladaha keena baahida in cunugga lala wareego oo dhif iyo naadir noqday.

Sawirka Tabeelaha Hay’adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

La-wareegista carruurtu waa ilmaha ama qofka dhallinyarada ah ee aan qaangaarin oo muddo dheer la dejiyo meel guriga ka baxsan.

Sida warbixinta lagu sheegay, waxaa hoos u dhacay oo tan iyo sannadkii 2020 sii yaraanayay xaaladaha keena meeleynta degdegga ah ee carruurta. Sannadkii 2021 waxaa si degdeg ah loo meeleeyay ama meel kale si ku meelgaar ah loo dejiyo 4503 cunug, tiradaas oo 5 % kayar tiradii sannadkii 2020.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhanka kale kordhay tirada wargelinnada badbaaadada carruurta loo soo gubdiyo ee la xiriira welwel laga qabo carruurta warkooda la soo gudbiyay. Sannadkii hore ee 2021 waxaa wargelinta badbaadada carruurta laga sameeyay 94000 cunug.

Waxaa xusid mudan in inta badan wargelinnada badbaadada carruurta loo soo gudbiyo aanay ka dhalan macaamiilnimada badbaadada carruurta ama in carruurta lala wareego.

Isha warka: THL