Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee Finland oo uga mahdceliyey Xildhibaan MP Suldaan Said waxqabadkiisii muddadii koobnaa ee joogay Baarlamaanka (Muuqaal)

Helsinki – Qaar ka mid ah culimaa’udiinka dalka Finland oo maanta ku kulmay xarunta Baarlanaanka dalka Finland ayaa ka warbixiyay dadaalladii uu Xildhibaan Suldaan Said galay horumarinta shuruuc u danaynaysa ummadda Islaamka ah ee ku nool waddanka Finland.

Qodobada aadka looga hadlay waxaa ka mid ah Sharciga la xiriira Hilibka Xalaasha ah, Waxbarashada, Qabuuro lagu aaso Muslimiinta iyo arrimo kale oo aad u muhiim u ahaa.

Culimaa’udiinkii ka soo qeybgalay kulanka ayaa uga mahadceliyey xildhibaan MP Suldaan waxqabadkiisa muddada kooban, waxayna u ballanqaaday inay garab istaagi doonaan doorashada soo socota.

Muuqaalka hoose kaga bogo shirkii jaraa’id