Xukuumadda Finland oo Xildhibaan Suldaan Said Ahmed u mgacowday xil aanu qof asalkiisu ajnabi yahay horay uga qaban Finalnd

Suldaan Said- Kuva-Eduksunta

Wareegto rasmi ah oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland ayuu Wasiirka arrimaha dibadda Pekka Haavisto ugu magacaabay Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo ka tirsan Baarlamaanka Finland Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Finland u qaabilsan dhinaca nabadeynta iyo xasilinta Geeska Afrika.

Pekka Haavisto- Kuva-Eduskunta

Wareegtadan ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo si isku mid ah loogu qoray islamarkaasna loogu baahiyay saddex luqadood oo kala duwan ayaa lagu sheegay, in Wasiir Pekka Haavisto uu Xildhibaan Suldaan Said u gartay in uu yahay qofka xilligan la joogo ku habboon qabashada hawshan aan looga maarmin xog-ogaalnimo iyo aqoon ku wajahan deegaanka iyo dowladaha uu ergeygu ka hawlgelayo.

Kuva-SSMV

Suldaan Said Ahmed oo ah siyaasi da’yar ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya ee ka mid noqda Baarlamaanka Finland.

Waxaa kale oo xusid mudan in muddada kooban ee uu Xildhibaan Suldaan Baarlamaanka Finland ka tirsanaa uu gudaha Baarlamaanka ka soo jeediyay Hindise Sharciyeedyo uu uga golleeyahay hagaajinta xaaladda dhaqan-dhaqaale ee dhallinyarada, waayeelka, dadka ajnabiga ah, Muslimiinta iyo weliba dadka megangelyo-doonka ah ee Finland jooga.

Magacaabista Xildhibaan Suldaan Said loo magacaabay ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland u qaabilsan arrimaha nabadeynta ee Geeska Afrika ayaa ku soo aadaysaa xilli Gobolka Geeska Afrika ay ka jirto ka sokow dhibaatooyin bani’aadminimo, deganaanshiyo la’aan siyaasadeed iyo dagaallo sokeeye.

Xildhibaan Suldaan ayaa tusaale ay ku daydaan u noqday dhallinyarada asalkoodu Soomaaliga yahay ee dalkan Finland ku nool, kuwaas oo ah tirada ugu badan bulshada Soomaaliyeed ee Finland ku dhaqan.