Finland waxaa laga helay maanta 350 xaaladood oo feyruska korona iyo 6 xaaladood o dhimasho cusub ah

Jimce 22.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 350 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 41 915 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 61 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 166 qof, gobolka Varsinais-suomi  oo laga helay 52 qof .

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 67 qof, Vantaa: 36 qof, Espoo: 34 qof, Turku: 28 qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 136 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 24 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 644 qof, kaddib markii maanta gelinkii dambe ay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga sheegtay in 6 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Kymenlaakso, Päijät-Häme,, Kanta-Häme, iyo Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pohjois-Pohjanmaa, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Etelä-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 31 526 387    98 191 948
       686 089       2 102 828

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 25,1 milyan  193 758     4 363  420 285
2 Hindiya 10,6 milyan    14 481        161  153 067
3 Baraaziil 8,69 milyan    59 946     1 335  214 228
4 Ruushka 3,65 milyan    21 887        612    67 832
5 Ingiriiska 3,54 milyan    37 892     1 290    94 580
6 Faransiiska 2,98 milyan    22 848        346    71 998
7 Isbeyn 2,56 milyan    44 357        404    55 041
8 Talyaaniga 2,42 milyan    14 078        521    84 202
9 Turkey 2,41 milyan      6 289        153    24 640
10 Jarmalka 2,10 milyan    18 700        855    51 151
11 Kolombiya 1,97 milyan    15 366        395    50 187
12 Arjantiin 1,84 milyan    11 396        139    46 355
13 Meksiko 1,68 milyan    20 548     1 539  144 371
14 Poland 1,45 milyan      7 205        420    34 562
15 K/afrika 1,38 milyan    11 381        647    39 501
16 Iiraan 1,35 milyan      6 231          93    57 150
17 Ukriane 1,17 milyan      5 583        241    21 449
18 Peru 1,08 milyan      4 232        117    39 274

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS