Ruushka oo si ku meelgaar ah looga saaray xubinnimada Golaha xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay

Credit; United Nations

Shirka Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si ku meelgaar ah Ruushka uga saaray xubinnimada Golaha Xuquuqul insaanka. Ka saaridda Ruushka golaha laga saaray ayaa waxaa taageeray 93 dal halka ay ka soo horjeesteen 24 dal. 58 dal ayaan iyaguna ka aamusay oo aan arrinkan codkooda ka dhiiban.

Si Ruushka looga saaro xubinnimada, waxaa loo baahnaa tiro dhan saddex qaybood labo qaybood, taas oo aan lagu xisaabinayn codadka faaruqa ah.

Ka saaridda Golaha laga saaray ayaa waxaa loo cuskday sida lagu shaaciyay warbaahinta rasmiga ah ee Qaramada Midoobay xadgudubyada xuquuqul insaanka ka dhanka ah ee la sheegay in uu Ruushku ka geystay Yukreyn.

Isha warka: YLE