Xukuumadda Finland oo markale si ku meelgaar ah u xirtay xuduudda Bari ee ay Ruushka la wadaagto kaddib markii maalin uun dib u furtay

esteaitahankkeen-pilotin-tyomaa-pelkolassa-16.6.2023-kuva-3/Rajavartiolaitos

War rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Finland 14.12.2023 ayaa lagu shaaciyay go’aan ay xukuumaddu ku gaartay in markale xuduudda bari ee Ruushka kala dhexeysa gebi ahaan si ku meelgaar ah loo xiro illaa iyo 14.1.2024.

Go’aankan ayaa salka ku haya khilaafka ku saabsan sida xadka loo maareeynayo ee u dhexeeya Ruushka iyo Finland, kaas oo si gaar ah ugu qotoma muhaajiriinta iyo magangelyo-doonka dhanka Ruushka ka soo gelaya Finland.

Sida laga soo xigtay saraakiisha ilaalada xuduudaha Finland, isla maalintii xuduudda dib loo furay oo ahayd 14.12.2023 ay dhanka Ruushka ka soo galeen magalgelyo-doon boqol ka badan. Dhacdadan ayaan xukuumadda Finland ku riixday sida la sheegay, in go’aan kale oo si ku meelgaar ah xuduudda loogu xirayo ay degdeg ku gaaraan.

Go’aankan ayaa dhaqangelay 14.12.2023 saacaddu markii ay ahayd 20 (8da fiidnimo) saac ee wakhtiga Finland wuxuuna shaqaynayaa illaa iyo 14.1.2023.

Si kastaba ha ahaatee, Ruushka ayaa muhaajiriin dalal saddexaad ka yimid oo dalkiisa ku sugan u adeegsanaya qashqashaadda uu ku hayo dalalka Nato iyo Yurub ka tirsan ee gacanta siiya Yukreyn.

Warka rasmiga ah ee ka soo baxay xukuumadda Finland kuna saabsan dib u xirista xuduudda u dhexeysa Finland iyo Ruushka oo af-Soomaali ku qoran halkan ka akhriso.

Isha warka: Xukuumadda Finland