Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Finland Mari Rantanen – Waxaan dhan kasta ka adkaynaynaa shuruudaha lagu soo galo, lagu joogo ama lagu degganaado Finland

Mari Rantanen, Wasiirka arrimaha gudaha Finland- xuquuqda sawirka: Eduskunta

Mari Rantanen, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Finland oo dhowaan si rasmi ah shaqada u billaabaysa ayaa maanta ku dhowaaqday qorshaha xukuumadda Finland ee ku aaddan dadka soo-galootiga ah.

Wasiiradda oo ka tirsan xisbiga Midigta ee Finns Party oo soo-galootiga aad uga soo horjeeda oo wareysi siisay Yle ayaa ballanqaadday in isbeddel buuxa ay ku samaynayaan siyaasadda qaxootiga ee Finland.

Mid kamid ah isbeddellada ay xukuumaddu samaynayso ayeey Rantanen ku sheegtay in ay tahay kordhinta dib u celinta dadka laga gaaray go’aannada diidmada ah ee dib loogu celinayo dalalkii ay ka yimaadeen.

Hadafka xukuumadda cusub ee Finland ayaa ah sidii ay u yaraan lahaayeen dadka magangelyaddoonka ah ee Finland imaanaya.

Qaxootiga qawiman ama tirada cayiman ee qaxootiga ay Finlanad soo qaadan jirtay sannad kasta oo muddooyinkaan ahaa qiyaastii 1000 qofood sannadkii ayeey xukuumadda ku dhowaaqday in ay kalabar ka dhigayso, taas oo noqonaysa qiyaastii 500 oo qofood.

Dadka magangelyaddoonka ah ee Finland imaanayay sannadihii la soo dhaafay ayaa ahaa qiyaastii 3000 oo qofood sannadkiiba.

Hadalka wasiirad Mari ayaa imaanaya xilli ay xukuumadda Finland ee cusub isbahaysi ku yihiin Xisbiga Finns Party (PS) iyo Xisbiga Isbahaystiga qaranka (Kokoomus) iyo labo xisbi oo kale oo yaryar, xisbiga Xisbiga Dimuqraadiga kirishtaaneed ee Finland iyo xisbiga RKP ee dadka ku hadla afka iswiidhishka ee Finnishka ah.

Dadka soogalootiga ah, hay’adaha u dooda xuquuqda qaxootiga iyo guud ahaan qolooyinka arrimaha bani’aadminnimada u dhaqdhaqaaqa ayaa ka walaacsan qorshaha siyaasadeed ee xukuumadda uu ra’iisal wasaaraha kayahay Petteri Orpo.

Waxaa kale oo xusid mudan in dadka danyarta iyo shaqaaluhuba ay ka welwelsan yihiin qorshaha siyaasadeed ee xukuumadda cusub ee Finland, taas oo kaalmada dhaqaalaha ee dadka la siiyo iyo xuquuqda shaqaalaha isbeddel ku samayn doonta.

Xuquuqda sawirka: Eduskunta

SSMV