Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 748 qof oo hor leh

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Jimco 30.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 748 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 106 008 qof.

Kooxda iskuduwidda arrimaha korona ee gobolka Uusimaa iyo Helsinki waxaa ay sheegeen, in xaaladda korona ee gobolku ay qarka u saaran tahay in ay gasho heerika ugu sarreeya ee faafista feyruska.

Waaxana kooxdu ay sheegeen in toddobaadka soo socda ay qaadan doonaan go’aano hor leh oo looga hortagaayo faafista feyruska.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 199
Vantaa 64
Espoo 59
Turku 50
Tampere 35
Salo 23
Lahti 22
Oulu 21
Jyväskylä 18
Kuopio 12
Kajaani 10
Rauma 9
Taipalsaari 8
Hämeenlinna 8
Vaasa 8
Joensuu 8
Hyvinkää 7
Kirkkonummi 7
Kotka 7
Kaarina 7
Kerava 6
Sipoo 6
Järvenpää 6
Äänekoski 5
Nurmijärvi 5
Pietarsaari 5
Hämeenkyrö 4
Maarianhamina 4
Uusikaupunki 4
Porvoo 4
Lappeenranta 4
Kangasala 4
Ylöjärvi 3
Kalajoki 3
Kouvola 3
Lieto 3
Mikkeli 3
Hamina 3
Orivesi 3
Seinäjoki 3
Jokioinen 3
Tuusula 3
Kauniainen 3
Kitee 3
Nokia 2
Raisio 2
Rovaniemi 2
Vihti 2
Orimattila 2
Sastamala 2
Parainen 2
Laitila 2
Loviisa 2
Paimio 2
Naantali 2
Riihimäki 2
Iisalmi 2
Liperi 2
Vehmaa 2
Laukkaa 2
Ii 2

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 65 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 7 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 984 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 11 222 oo qof, kuwaasoo 7 912 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 428 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 1 875 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 7 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan (28.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3 670 000 oo qof, taasoo u dhigmata 65.8 % tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1 872 000 oo qof, taasoo u dhigmata 33,7% tirada dadka Finland (30.07.).

Xigasho:YLE,HS