Finland waxaa laga helay maanta 581 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 5 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Talaada 02.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 581 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 58 645 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 7 598 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 76 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 344 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 72 qof, iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 32 qof ah.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 149 Rovaniemi 3
Vantaa 70 Kangasala 3
Rauma 50 Seinäjoki 3
Espoo 49 Jomala 3
Turku 31 Sipoo 3
Oulu 27 Kuusamo 3
Tampere 13 Kauhajoki 3
Mikkeli 12 Hirvensalmi 2
Raiso 11 Pyhäjoki 2
Jyväskylä 11 Lempäälä 2
Vaasa 11 Hollola 2
Kerava 10 Iisalmi 2
Kirkkonummi 10 Kittilä 2
Karkkila 9 Mäntsälä 2
Nurmijärvi 8 Pöytyä 2
Kaarina 7 Kuopio 2
Tuusula 7 Rusko 2
Vihti 6 Nousiainen 1
Maarianhamina 6 Paimio 1
Järvenpää 6 Hämeenlinna 1
Porvoo 6 Parainen 1
Uusikaupunki 5 Lohja 1
Mynämäki 5 Vesilahti 1
Riihimäki 4 Laukaa 1
Lappeenranta 4 Ilmajoki 1
Hyvinkää 4 Närpiö 1
Salo 4 Kajaani 1
Kauhava 4 Pirkkala 1
Ylöjärvi 4 Mustasaari 1
Rovaniemi 3 Lapua 1
Laitila 1 Rautalampi 1
Siuntio 1 Kärkölä 1
Raasepori 1 Pukkila 1
Loppi 1 Ypäjä 1
Eurajoki 1 Inkoo 1
Eura 1 Kauniainen 1
Loimaa 1 Kokkola 1
Hausjärvi 1 Kurikka 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 247 qof, waxaana ku krodhay tiradii hore 8 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  39 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 755 qof, kaddib markii ay hay’adda THL sheegtay maanta 5 xaaladood oo dhimasho cusub ah.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 239 qof, kuwaasoo 1 174 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 64-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

  • Dowladdu waxay soo bandhigtay Khamiistii 25.2 howlo cusub oo looga hortagaayo koronaha (2. uusia koronatoimia), kuwaasoo loogu talaggalay gobollada ku jira xaaladaha faafista iyo karaarqaadshada ee feyruska.
  • 8-da bisha Maarso ardayda dugsiyada dhexe, sare iyo kuwa macaahidda waxaa ay geli doonaan 3 toddobaad oo waxbarashada Internetka ah. Sidoo kale maqaaxiyaha ayaa la xiri doonaa qaar ka mid ah gobollada dalka laga bilaabo 8.3, haddii uu baarlamaanku arrinkaas anisixiyo. Waxaa kaloo dowladdu ay waddaa qorshaha ah in dalka lagu sameeyo saddex toddobaad oo jidxir ah (sulkutilasta).
  • Maamullada gobollada iyo degmooyinku waxaa ay awood u leeyihiin, in ay xiraan goobaha gaarka ah ee hiwaayadaha iyo goobaha macaamiisha, ama waxaa ay xadayn karaan cadadka macaamiisha, muddo laba toddo- baad ah.
  • Dowladda dalkaan Finland waxaa ay howlaha xadaynta u dejisay saddex heer oo kala duwan (rajoitustoimista kolme eri tasoa), si looga hortaggo nooca cusub ee feyruska korona. Waxaa ay dowladdu soo jeedisay in dalka la geliyo Heerka labaad, howlaha xadaynta feyruskana laga dhaqan geliyo gobollda ku jira heerka faafista feyruska, sidoo kale waxaa ay talo ahaan u soo jeedisay in isla howlahaas oo kale laga dhaqangeliyo gobollada ku jira heerka karaarqaadashada. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa soo socda in la soo rogi doono bandow socodka ama dhaqdhaqaaqa lagu diidaayo.
  • Haalkaan (Täältä) waxaad ka arkaysaa xaaladdii ugu dambaysay ee faafista feyruska ee magaalada aad deggan tahay iyo inta qof ee tallaalka qaadatay, sidoo kale waxaad ka arkaysaa sida xaaladda feyrusku ay u socoto Finland gudaheeda iyo adduunweynaha oo dhan. Warbixinta dheeraadka ah ee ku saabsan xaaladda gobolkaaga halkaan ayaad ka akhrisan kartaa (täältä).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 384 476 qof (02.03).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       37 731 054     115 076 970
               855 541          2 552 234

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 29,314,254    53 147    1 439  527 226
2 Hindiya 11,123,619    11 563         80  157 275
3 Baraaziil 10,589,608    38 349       818  255 836
4 Ruushka   4,257,650    11 571       333    86 455
5 Ingiriiska   4,182,009     5 455       104  122 953
6 Faransiiska   3,760,671      4 703       375    86 803
7 Isbeyn   3,204,531      6 308       155    69 609
8 Talyaaniga   2,938,371    13 114       246    97 945
9 Turkey   2,711,479      9 891         69    28 638
10 Jarmalka   2,455,569      5 207        237    70 924
11 Kolombiya   2,255,260      3 570        100    59 866
12 Arjantiin   2,112,023      4 658        112    52 077
13 Meksiko   2,086,938      2 810        458  185 715
14 Poland   1,711,771      4 785          23    43 792
15 Iiraan   1,639,679      8 510        108    60 181
16 Konfur-Afrika   1,513,959         566          84    50 077
17 Ukriane   1,352,134      4 285          68    26 050
18 Indonesia   1,341,314      6 680        159    36 325
19 Peru   1,332,939      3 134        191    46 685
20 Czechia   1,240,092      4 575        145    20 605
21 Netherlands   1,092,452      3 762          21    15 584

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS