Xukuumadda Finland ayaa baarlamanka u gudbisay hindise sharciyeed ku saabsan wax ka beddelka sharciga ajnabiga iyo caawimaadda arrimaha sharciga

Calanka Finland: Photo Mohamed Ibrahim

19.12.2020- Xukuumadda ayaa soojeedinaysaa hindise ah in wax laga beddelo sharciga ajnabiga iyo caawimaadda arrimaha sharciga gaar ahaan qaybta quseysa caawimaadda arrimaha sharciga iyo xuquuqda badbaadada dadka megangelyodoonka ah. Ujeedada hindise sharciyeedkan laga leeyahay waa, sida ay xukuumaddu sheegtay in si waafaqsan barnaamijka xukuumadda ra’iisal wasaare Sanna Marin loo xoojiyo xuquuqda badbaadada dadka megangelyodoonka ah.

Hindise sharciyeedkan oo ay 17.12.2020 xukuumaddu u gudbisay baarlamaanka ayaa soojeedinaya, in qofka megangelyodoonka ah uu helo qareen kharashkiisa khasnadda dowladda laga bixinayo, qareenkaas oo megangelyodoonka caawinaya islamarkaasna la joogaya marka uu ku jiro wareysiga codsiga megangelyada. Waxaa kale oo soojeedinta ku qoran in wakhtiga cayiman ee racfaan ka qaadashada go’aanka codsiga megangelyada laga dhigo 30 maalmood, kaas oo hadda ah 21 maalmood. Waxaa kale oo isla soojeedintan ku jirta, in qareenka gaarka ah ee dhinaca sharciga ka caawinaya qofka megangelyodoonka ah la siiyo khidmo ku salaysan saacadaha uu qabto shaqooyinka aan looga maarmin arrinta codsiga megangelyada, halka taas beddelkeeda haatan la siiyo khidmo duuduub ah oo kiiska uu qabanayo ku salaysan.

-Xukuumaddu waxay qawl-qaadday wanaajinta xuquuqda badbaadada dadka megangelyodoonka ah. Hindise sharciyeedka hadda la soojeediyay ee baarlamaanka loo gudbiyay ayaa waxaa la doonayaa in lagula laabto halkii ay xaaladda xuquuqda sharciyeed ee dadka megangelyodoonka ah joogtay kahor xukuumaddi hore. Waxaa kale oo isla soojeedintan lagu wanaajinayaa habsami-socodka megangelyada iyadoo la xaqiijinayo xuquuqda ay dadka megangelyodoonka ah u leeyihiin helitaanka kaaliyaha dhinaca sharciga oo ka billaabanaysa islamarka uu qofku megangelyada codsado. Ficil ahaan, tani waxay ka dhigantahay in dadka megangelyodoonka ah la siiyo xuquuq lamid ah kuwa dadka kale, sidaas waxaa tiri wasiriirka Caddaaladda Finland Anna-Maja Henriksson.

Hindise sharciyeedkan wax looga beddelayo sharciga ajnabiga iyo caawimaadda arrimaha sharciga ayaa waxaa la doonayaa in sida ugu dhakhsaha badan loo dhaqangeliyo.

Xukuumaddii ka horreysay tan hadda jirta ayaa waxay aad u adkaysay xeerarka iyo sharciyada lagu dhaqo dadka megangelyodoonka ah. Waxaa xusid mudan in haatan ay dalka Finland joogaan tiro badan oo dad megangelyo soo doontay ah oo muddo sannado ah la daalaa-dhacayay dhibaatooyin ka soo gaaray sharciyadii ay xukuumaddii hore adkaysay, sharciyadaas oo ah kuwa haatan ay xukuumaddan doonayso in wax laga beddelo.

Xigasho: Wasaaradda Caddaaladda Finland