Finland waxaa laga helay 490 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 8 xaaladood oo dhimasho ah

 Arbaca 09.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 490 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 28 732 qof.

Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 271 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 88 qof laga helay iyo Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 26 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota:Helsinki (142), Espoo (59),Vantaa (50), Turku (55), Oulu (18), Masku (8),Tampere (6), Kaarina (5), Kerava (4), Naantali (4),  Somero (4), Vaasa iyo agagaarkeeda (14), Lähti (4), Kuopio (6), Gobolka Kanta-Häme (5), Kymenlaakso (9), Etelä-Savo (14), Etelä-Pohjanmaa (11), Lappi (6), Satakunta (10).

Xaaladda cudurkan safmarka ah ayaa aad uga soo daraysay labadii toddobaad ee ugu dambeeyay, meelaha aadka ugu daran waa Helsinki Uusimaa, Varsinäis-Suomi, Päijät-Häme iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 233 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 433 qof, kaddib markii 8 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona sida ay maanta sheegtay hay’adda THL.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

19 860 742   68 730 695
 

Tirada u dhimatay feyruska

     454 682      1  566 505

 

 Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 15,5  milyan  209 756    2 960 293 445
  2 Hindiya 9,73  milyan    32 067       404 141 398
  3 Baraaziil 6,67   milyan    47 850       796  178 184
  4 Ruushka 2,51   milyan    26 097       562   44 159
  5 Faransiiska 2,30   milyan    13 713       491   56 352
  6 Talyaaniga 1,75   milyan    14 842       634   61 240
  7 Ingiriiska 1,75   milyan    12 282       616   62 033
  8 Isbeyn 1,71   milyan      6 255   46 646
  9 Arjantiin 1,46   milyan      3 610       121   40 099
10 Kolombiya 1,38   milyan      7 510       163   38 158
11 Jarmalka 1,21   milyan     18 319       622   20 161
12 Mexico 1,18   milyan      6 339       357  110 074
13 Poland 1,07   milyan      8 310       411    20 592
14 Iiraan 1,06   milyan    11 023       323    50 917

Xigasho: HS, YLE, WORLDOMETER