Finland waxaa laga helay maanta 121 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Axad 23.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 121 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 91 526 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 803 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 33 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 65 qof,  gobolka Kanta-Häme oo laga helay 9 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo  laga helay 6 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 33
Vantaa 13
Espoo 12
Kokkola 6
Turku 5
Kotka 4
Janakkala 4
Lahti 4
Hämeenlinna 3
Nurmijärvi 3
Nivala 3
Kalajoki 3
Rauma 3
Tampere 2
Kokemäki 2
Kannus 2
Riihimäki 2
Oulu 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 136 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 932 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 14 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 875 oo qof, kuwaasoo 5 639 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 194 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 40,  iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 277 333 oo qof (23.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 167 104 515 52 546 079
Tirada u dhimatay feyruska 3 470 059 1 120 397

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 791 745 48 916 041
Tirada u dhimatay feyruska  128 540 642 383

 

Qaaradda W/Amerika Qaaradda K/Amerika
Tirada feyruska laga helay 39 458 588 27 647 386
Tirada u dhimatay feyruska  884 356 751 694

 

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 26 528,846   243 777   3 788  299 296
Baraaziil 16,047,439     71 283   1 746  448 291
Arjantiin 3,514,683     32 171       297    73 688

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS