Caasimadda iyo hareeraheeda oo loo soo jeediyay in xafladaha aanay 10 qof kabadan isugu imaan karin.

Kaarto Muujineysa xaaladda Guud ee Korona Feyrus iyo Sida uu u kala saameeyay gobolada dalka. Xuquuqda Sawirka: Screenshot/THL

Jimce 13.11.2020. Kooxda iskuduwidda arrimaha korona ee Helsinki iyo Uusimaa ayaa maanta soo jeediyay talooyin cusub oo looga hortagaayo faafista feyruska korona. Waxaa ay soo jeediyeen in xafladaha iyo munaasabadaha gaarka ah aan 10 qof wixii kabadan la isugu imaan karin. Waxaana arrinkaan uu khuseeyaa xafladaha qalinjabinta ardayda, xafladaha diinta: sidoo kale waxaa arrimahaas soo hoosgalaaya oo la mid ah xafladaha aroosyada iyo munaasbadaha tacsida.

Kooxda iskuduwidda arrimaha korona ee caasimadda iyo hareeraheeda waxaa sidoo kale ay wadaan diyaarinta  arrinka ah in shaqaalaha xannaanadu ay qaataan afshareerka, Macallimiinta dugsiyada hoose dhexe ayaa hore loo faray arrinkaas.

Iskuullada sare iyo macaahidda ayaa hore loogu soo jeediyay in ardayda iyo macallimiintuba ay qaataan afshareerka.

Duqa magaalada Helsinki Jan Vapaavuori oo munaasabadda shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa yiri:” waa arrin muhiim ah in aan samayno dhammaan wixii suurtaggalka ah ee la sameyn karo, si aan loogu baahan in iskuullada la xiro”.  Waxaana duqa magaalada uu ka codsaday dhammaanba dadweynaha in loo hoggaansamo talosoojeedinta iyo nidaamyada looga hortagaayo faafista feyruska.

Dhakhtarka saree e ka tirsan isbitaalka jaamacadda Helsinki Markku Mäkijärvi ayaa sheegay, in toddobaad gudihiis gobolkan Helsinki iyo Uusimaa laga helay feyruska korona dad tiradoodu gaarayso 700-800. Natiijada saamiga ee laga helay feyruskana waxaa ay gaareysaa 3%: Dhakhtarka Mäkijärvi waxaa uu yiri: “xaaladdu waa mid welwel leh, waayo tirada faafistu marnaba hoos uma aanay dhicin. Waa in dhammaan dadku ay iska joojiyaan kulanka dhexdooda ah yo socodkaba.

Dabaggalka feyruska waxaa lagu guuleystay in la helo 40%, 20%-na waxaa ka jiray shaki ah halka ay suurtatagalka tahay in laga qaaday. Inta ka soo haartay tiradaas oo 40% ahna lama helin qaab lagu raadraaco.

Xigasho:HS