Shirkadda kafeega iyo cabitaanada kale ee Starbucks oo Talyaaniga ka billaabaysa iibinta kafee lagu daray saliid seytuun (Olive oil)

STARBUCKS Dubai Mall- Abdi Musse-SSMV

Agaasimaha guud ee shirkadda Starbucks oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay in kafateeriyadooda Talyaaniga ku yaal ay ka billaabayaan cabitaanka kafeega oo lagu milay saliidda aadka loo jecelyahay ee seytuunka.

Suuqyada Talyaaniga oo aan markii hore si fiican loogu soo dhoweyn Starbucks ayaa haatan u muuqdo kuwa dhowaan lagu fiiqsan doono kafee aan noociisa meel kale lagu iibin.

Xayeeysiin loo sameeyay kafeega saliid seytuunka lagu iidaamay ayaa waxay u dhignayd sidan: “kafee nashaad abuuristiisii hore wata oo dhadhan dufanaysan lagu kordhiyay, islamarkaasna aan kareem caana ka samaysan u baahnayn ayaa kol-dhow lagu durduuran doona kafateeriyada Starbucks ee Talyaaniga ku yaal.”

Shirkadda Starbuck ayaa sidoo kale ku talajirta in kafateeriyadeeda ku yaal Koofurta California ay cabitaankan ugubka ah keento deyrtan. Waxaa kale oo ay ku shirkaddu cabitaankan ku baahinaysaa inta sannadkan lagu jiro Ingiriiska, Bariga Dhexe iyo Japan.

Xigasho: The Guardian