Finland waxaa laga helay maanta 280 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo hal xaalad oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Finland waxaa laga helay maanta 280 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo hal xaalad oo dhimasho cusub ah

 Khamiis 06.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 280 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 88 078 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 001 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 69 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay125 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 44 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo  laga helay 34qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 42
Espoo 27
Vantaa 25
Lahti 22
Salo 15
Tampere 14
Turku 11
Nokia 10
Porvoo 7
Kangasala 5
Hattula 5
Hyvinkää 4
Raisio 4
Orimattila 4
Pornainen 4
Kuhmo 4
Kaarina 4
Vaasa 3
Kauniainen 3
Tuusula 3
Laitila 3
Raahe 3
Janakkala 3
Järvenpää 3
Tornio 2
Imatra 2
Inkoo 2
Oulu 2
Vöyri 2
Kouvola 2
Myrskylä 2
Jyväskylä 2
Kotka 2
Kerava 2
Lapinjärvi 2
Ylöjärvi 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 127 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  27 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 919 qof, kaddib markii hay’ada THL ay sheegtay maanta dhimashada 1 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 19 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 374 oo qof, kuwaasoo 4 521 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 852-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 30.04).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 804 953 oo qof (06.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 155 922 363 50 918 422
Tirada u dhimatay feyruska 3 258 295 1 081 364

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 636 622 41 965 363
Tirada u dhimatay feyruska  123 554 547 040

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 21,070,852   412 618    3 982  230 151
Baraaziil 14,936,464     75 662    2 791  414 645
Turkiga  4,955,594     26 476       356    41 883
Jarmalka  3,469,448     21 266       308    84 593
Arjantiin  3,071,496     24 079       663    65 865
Kolombiya 2,934,611     14 806       388    76 015
Iiraan 2,591,609     15 872       349    73 568
Faransiiska 5,706,378     26 000       244   105 631

 

 Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 995, 595       14 151
63 Denmark 255 470    988     1    2 492
88 Norwey 114,905    469    10       767
159 Iceland  6 497    6              29
42 Saudi-Arabia  421 316    1 016     12     7 018
133 Soomaaliya  14 121               721

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS