Finland waxaa laga helay maanta 258 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 6 xaaladood oo dhimasho ah

Khamiis 14.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 258 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 39 593 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 56 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 121 qof, Gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 33 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 29 qof iyo Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 16 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 51 qof, Vantaa: 38 qof, Turku: 25 qof, Espoo: 22 qof, Tampere: 21 qof, Oulu: 12 qof, Lahti: 8 qof, Kuopio: 6 qof, Hämeenlinna: 5 qof, Mikkeli: 4 qof, Tuusula, Vaasa, Kouvola iyo Valkeakoski: oo min 3 qof laga helay, magaalooyinka kala ah: Varkaus, Raahe, Riihimäki, Hyvinkää, Vehmaa, Siilinjärvi, Ilomantsi, Hollola, Pori iyo Joensuu oo min 2 qof laga helay, iyo magaalooyinka kale oo min hal qof ah.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 155 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 29 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 616 qof, kaddib markii hay’adda THL ay maanta sheegtay in Isniintii la soo dhaafay kaddib illaa iyo maanta ay feyruska korona u dhinteen 6 qof oo hor leh.

Nooca cusub ee feyruska korona waxaa Finland laga helay 61 xaaladood, sidaana waxaa sheegay dhakhtarka sare ee ka tirsan hay’adda THL Taneli Puumalainen. Nooca ingiriiska ee loo yaqaan Variantti waxaa laga helay Finland 59 xaaladood, nooca cusub ee laga helay Koonfur-Afrika waa 2 xaaladood.

Feyruska Variantti ee Ingiriiska ee laga helay Finland, 39 ka mid ah waxaa uu ka yimid dalka Ingiriiska, 4 dalka Sweden, 3 xaaladood dalka Ghana. 10 xaaladood waxaa ay ka yimaadeen dalal kala duwan, 3 xaaladoodna lama yaqaan dalka ay ka yimaadeen.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee Heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala , Ahvenanmaa Kainuu iyo Vaasa ( marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Pohjois-Savo iyo Lappi.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 29  728 624    92 903 026
       639 900       1 989 808

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 23,6 milyan 236 462    4 098  393 928
2 Hindiya 10,5 milyan     17 015       201  151 765
3 Baraaziil 8,25 milyan     61 822    1 283  206 009
4 Ruushka 3,47 milyan     22 850       566    63 370
5 Ingiriiska 3,21 milyan     47 525     1 564    84 767
6 Faransiiska 2,803milyan     23 582        229    69 031
7 Turkiga 2,35 milyan       9 554        173    23 325
8 Talyaaniga 2,31 milyan     15 774        507    80 326
9 Isbeyn 2,17 milyan     38 689        195    52 878
10 Jarmalka 1,98 milyan     23 461     1 201    44 404
11 Kolombiya 1,83 milyan     15 898        342    47 124
12 Arjantiin 1,75 milyan     12 725        135    44 983
13 Meksiko 1,55 milyan     14 395      1 314  135 682
14 Poland 1,40 milyan       9 074        482    32 075
15 Iiraan 1,30 milyan       6 317          97    56 457
16 K/Afrika 1,27 milyan     18 555        806    35 140
17 Ukriane 1,13 milyan       6 409        195    20 214
18 Peru 1,04 milyan       3 409         74    38 473

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS