Finland waxaa laga helay maanta 385 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 4 dhimasho cusub ah

Talaada 16.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 385 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 51 047 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 62 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 212 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 50 qof, gobolka Satakunta oo 24 qof laga helay iyo gobolka Vaasa oo laga helay 22 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 127 Korsnäs 2
Vantaa 46 Kempele 2
Espoo 20 Mikkeli 2
Pori 16 Pello 2
Paimio 15 Pirkkala 2
Turku 11 Uusikaupunki 1
Närpiö 9 Naantali 1
Raiso 9 Hausjärvi 1
Vaasa 8 Kuopio 1
Jyväskylä 8 Myrskylä 1
Rauma 8 Somero 1
Ilmajoki 6 Laitila 1
Kaarina 5 Nurmijärvi 1
Tampere 5 Lieto 1
Oulu 5 Pietarsaari 1
Kurikka 5 Pöytyä 1
Järvenpää 4 Orimattila 1
Alavus 4 Kittilä 1
Kerava 4 Laukaa 1
Lahti 4 Seinäjöki 1
Hämeenlinnä 3 Lempäälä 1
Riihimäki 3 Savonlinna 1
Joensuu 3 Mäntyharju 1
Vihti 3 Iisalmi 1
Lappeenranta 3 Inari 1
Kirkkonummi 3 Sipoo 1
Salo 2 Tornio 1
Sauvo 2 Rovaniemi 1
Tuusula 2 Kouvola 1
Laihia 2 Loviisa 1
Kolari 2  
Kangasala 2  

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 122 qof sida ay sheegtay hay’adda THL,  kuwaasoo 27 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 720 qof, kadib markii ay maanta hay’ada THl sheegtay dhimashadaqof oo cusub.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 422 qof, kuwaasoo 402 ka id ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 20-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 216 463 qof (16.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       35 677 490     109 747 639
             784 040         2 420 606

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 28,317,703    52 785       954  498 203
2 Hindiya 10,925,311      9 139         76  155 840
3 Baraaziil   9,866,710    31 197       601  239 895
4 Ruushka   4,086,090    14 207       394    80 520
5 Ingiriiska   4,047,843      9 765       230  117 396
6 Faransiiska   3,469,539      4 376       412    82 226
7 Isbeyn   3,086,286    11 942       234    65 449
8 Talyaaniga   2,729,223      7 351       258    93 835
9 Turkey   2,594,128      7 945         91    27 562
10 Jarmalka   2,346,876      5 170        383    65 949
11 Kolombiya   2,198,549      3 510        181    57 786
12 Arjantiin   2,029,057      3 259          91    50 327
13 Meksiko   1,992,794      4 099        436  174 207
14 Poland   1,591,495       2 541          25    40 832
15 Iiraan   1,526,023      7 760          83    59 028
16 Konfur-Afrika   1,492,909      1 102        195    48 094
17 Ukriane   1,273,475      2 332          62    24 392
18 Peru   1,238,501      3 203        177    43 880
19 Indonesia   1,223,930      6 462        184    33 367
20 Czechia   1,090,909      2 858        123    18 368
21 Netherlands   1,032,094      2 810          27    14 843

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS