Cabsida laga qabo in qarax Nukliyeer uu Yurub ka dhaco oo korortay- Wasaaradda sooshalka iyo caafimaadka oo dadka Finnishka ah kula talisay in ay soo iibsadaan daawada aayodhiin (iodine)

Kuvakaappaus-itsehoitoapteekki

Wasaaradda sooshalka iyo caafimaadka oo cusboonaysiisay tilmaanbixinteeda ku aaddan isticmaalka daawada aayodhiin ee la isticmaalo marka ay jirto khatarta kaaha ama shucaaca (säteilyvaara).

 Ku boorinta ay wasaaradda sooshalka iyo caafimaadka Finland ku boorinayso dadka Finnishka ah in ay soo iibsadaan islamarkaasna guryaha dhigtaan daawada aayodhiinka ayaa ku salaysan soojeedinta Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Marka uu dhaco shilka awoodda nukliyeerku waxaa bey’ada ku fidi kara shucaaca kaah-falaha ee aayodhiinka ah (radio-active), kaas oo sababi kara in shucaacu uu waxyeelleeyo qanjirka taayroodhka. Shucaacu wuxuu waxyeello u leeyahay dadka ku jira da’da koritaanka. Shucaaca noocan ah marka uu aad u badan yahay wuxuu kordhin karaa halista kansarka ku dhaca qanjirka taayroodhka.

Halistaas kuma jiraan dadka waaweyn, sidoo kale dadka ka weyn 40 sano lagulama talinayo in ay isticmaalaan kaniiniga aayodhiinka ah.

Soojeedintan iyo tilmaanbixintan cusub waxay ku talinaysaa in dadka ay da’dooda u dhexeyso 3-40 sano ay farmishaha ka soo iibsadaan kaniiniga aayodhiinka guryahana ay ku keydsadaan.

Wasaaradda sooshalka iyo caafimaadku waxay sheegtay, in halmar oo daawada la qaato ay inta badan qofka ku filantahay. Saamaynta xun ee ka dhalata isticmaalka daawada ayaa la sheegay in ay aad u yaryahay ama ay dhif iyo naadir tahay.

Wasaaradda sooshalka iyo caafimaadku waxay dadka qaba cudurada ku dhaca qanjirka taayroodhka ku boorinaysaa in ay aad u taxaddaraan.

Finland hadda laguma iibiyo badeecada aayodhiinka oo loogu talaggalay dadka kayar 3 sano. Si kastaba ha ahaatee, Hoggaanka daryeelka caafimaadka dadweynaha ayaa sida ogeysiiska lagu sheegay billowday in ay soo iibiso kaniiniga aayodhiinka ee ku habboon carruurta saddex sano kayar.

Waxaa kale oo intaas dheer, in hawlwadeennadu ay haatan ka gungaarayaan sida ugu wanaagsan uguna macquulsan ee ay kaniinigaas marka la keeno ugu qaybin lahaayeen waalidiinta carruurta iyo hooyooyinka uurka leh.

Warkan ayaa ku soo daaya xilli aad looga welwelsan yahay wejiga cusub ee uu galay weerarka uu Ruushku ku qaaday welina ku hayo dalka Yukreyn. Waxaa laga baqanayaa, in haddii uu dagaalka Yukreyn sidan ku sii socdo uu shil Nukliyeer dhaco, ha ahaado mid si ulakac ah loo sameeyo ama mid si kama ah u dhacee.

Isha warka: STM